Muqdisho (Cishqi) – Shukaansi bilow ah qeybtii koowaad, Shukaansi waa wax loo baahan yahay, noloshu bilaa shukaansi waa uun iska nolol, macnaha nolol iska caajis ah.
Hadaba haddii aad jeceshahay in aad ku noolaato nolol farxad leh, guurso qof aad adigu jeceshahay si guurkaaga iyo noloshaada ay u noqoto mid farxad leh.
Laba jir hal dareen, laba maskax hal fikir, laba bushimood hal dhunkasho, laba qalbi hal jaceyl.
Galmada Habeenka Koowaad Waa Habeen Cajiib Ah
Halkani waxaan kugula wadaageynaa qormo aan ugu magac darnay shukaansi bilow ah, halka uu ka bilaawdo shukaansiga cusub iyo qaababka loo soo jiito dareenka qofka aad ka heshay.
Sidoo kale waxaan horay uga soo hadalnay shukaansi bilow ah sida, calaamadaha lagu garto qofka shukaansi doonka ah iyo qofka kale. Waxaan meesha ka marneyn inaan kula wadaagno fariimaha ay isku diri karaan lamaanaha isa shukaansanayo. Haddii aad xiiseyneyso waxaan halkaan kuu dhigeynaa linkiga oo aad ku garan karto midabka casaanka ah.
Erayo Macaan Oo Shukaansi Ah + Sawiro
Shukaansi Bilow Ah Qeybtii Koowaad
Waxa ay maalin cajiib ah, Roobkun uu curtey, 2018, Caasimada Soomaaliya magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan. Gaari yar oo Mazda ah ayaan cod ka hadlayo maqlay, waan jalleecay, wuxu yiri walaal ma kula hadli karaa?
Maxaa jira ayaan su’aalay, waa inta u dhaxaysa Taalada Axmed gurey iyo Taalada Dhagaxtuur oo markaas dhiiqo ya kar jirtey, wuxuu cod naxaris ka muuqato igu yiri walaal dhiiqada aan ku dhaafiyee soo gal, waa isaga kaligii, maya ayaan idhi dumar iyo caadadii, waloow aan u baahnaa inaan galo isagana uu u muuqday wiil akhyaar ah!
Intaas waxaa sii dheeraa su’aal ah “ walaal numberkaaga qayb baan hayaa, ee inta kale ii raaci! Anigoo ka yaaban shaxaarinimadiisa ayaan qoslay oo aan ku idhi qaybteed haysaa walaal? Ilko cad inta uu walac ka siiyey ayuu si dhibyar u yidhi 09 ayaan hayaa ee inta kale iigu dar!
Way fiicantahay inaad haysato qof adiga kuu jooga si aad ula wadaagto shokolaatada. Ka warran haddaanan kula kulmin?
Kama nuuxsan karin, mana arkayn noole markaas wax loo diidi karo, iima muuqan nin aan maya ku odhan karo, anoo xishoonaya oo is leh adoo nin wadada la taagan yayna walaaladaa ku arkin ayaan u dadajiyay!
Gaariga oo dhaqaaqay ayuu dib ii soo jalleecay, jalleeco aad moodid waran jacayl, jalleeco aad moodid kabuubiso ayuu hal mar igu ganay, markaasa inta gacanta ruxay sidii aabo ilmihiisa safar uga tagay, yiri maalin wanaagsan walaashey, anigoon aqoon waxa iga farxiyeyna ayaan anna u ruxay midigteyda, anoo leh maalin wanaagsan walaal!
Fiidkii anoo ka faraxashay casho macaanayd oo ay habeenkaas walaashey iga yar noo sameysay ayuu isoo wacay, waa number isu wada eg, oo 77 u dambayso, qosol baan ku dhuftay markaan maqlay codkiisa, hasa yeeshee isagu inuu daremo waan diidanaa, si caadi ah ayuu ii xaal waraystay, malaha bilaawga shukaansiga waa iska saas uune.
Wuxuu aad iiga waraystay aabo iyo hooyo iyo walaaladey, nafteyda wax badan igama waydiin habeenkaas, xogta uu i waydiiyay anoo saluugsan ayuu habeenkaas taleefanka dhigey, lakin hadalka uu igu macasalameyey ayaa sababay in maskaxdeydu u kireysnaato isaga habeenkaas, wuxuu yiri ducada hooyaday in la ii aqbalay ayay ila tahay ee habeen wanaagsan wuuna dhigey taleefanka.
Anigu isla goortaasi waa la igu saaqay, qalbigeyga waxaa buux dhaafiyay rabitaan waali ah.
Jaceyl Dhab Ah Sida Loo Dareen Siiyo Xaaskaaga
Habeenkaas wuxuu ii ahaa habeen farxada badan, habeenka kaliya ee aan nafisay, hurdaduna ay ahayd sida in aanan isbuuc hurdin. Maalintii xigtay anoo isaga ka fikirayo, doonayana in aan la wadaago dareenkeyga, una sheego inaan ku faraxsanahay la kulankiisa iyo hadaladiisa soo jiidashada leh ayaa waxaan maqlay dhawaqa teleefonkeyga, anoo is leh ma lacagtii ayaa kaa dhamaatay, Hormuud waa uun Horumuud, ayaan teleefoonkii furay, mise waa sms uu ii soo diray.
Maalin wanaagsan xidigteyda cusub, waxaan rajeynayaa in aad tahay shax shax, maalintaaduna ay u dhalaaleyso oo ay u qurux badan tahay sida dhoola cadeyntaada farxada leh:D
Fariimo Jaceyl Ah Oo Macaan Qeybtii 1-aad
Kadibna akhrinta erayaaasi waan dhoola cadeeyay, anoo la yaaban sida lama filaanka ah ee ay wax u dhacayaan ayaan qalbiga ka iri: Adigaaa, adigu waxaa tahay qofka aan muddo badan baadi goobayay, dadku waa ay la yaabanaayeen dooqeygu, qof walbaana wuxuu igu oran jiray, dooqaada aduunkaan lagama helo, adiguse taasi waad beenisay.
La soco qeybta kale.
Qoraa: Saabiriin Sabnaa – Cishqi-Team
Shukaansi bilaaw qeytii 2aad
SHUKANSI BILOW AH QEYBTII 2AAD ayaan ubaahanahay saxiip