Sida gabar loo siito qaab yara cajiib ah

Marka aadan aqoonin sida gabar loo soo jiito waxaa laga yaabaa shukaansigaaga koowaad inuu kaa burburo ka hor inta aan la gaarin qeebaha xiga ee shukaansigaaga. Si aysan taa u dhicin waxaan halkaaan kuugu diyaarinay waxyaabo badan oo kaa caawinayo sida gabar loo soo jiito qaab yara cajiib ah oo uu wiil walbaa sameyn karo.

Sida gabar loo soo jiito

Sida gabar loo soo jiito

Si aad u soo jiidato gabadha aad jeceshahay ama aad ka heshay waxaad u baahan tahay oo kaliya in aad raacdo tilmaamahani cajiibka ee soo socdo, kadibna aad adeegsato erayadaan jaceylka ah ee qalbiga soo jiidanayo: Erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh

1. Noqo qof run badan: Si aad u soo jiidato gabadha aad ka heshay,  kaliya noqo sida ay naftaada tahay oo ha isku dayin inaad iska dhigto qof kale. Run ahaantii gabar walbaa waa ay ka heshaa wiilka nuucaan ah, aadna wey u qiimeysaaa.

2. Muuji xiiso: Sidoo kale sida gabar loo soo jiito waxaa kamid ah in aad si taxadar leh u dhegeysato marka ay hadlayso oo aad weydiiso su’aalo si aad wax badan uga barato iyada. U muuji xiisaha dhabta ah ee ay u qabto hiwaayadeeda, rabitaankeeda, iyo fikradadeeda.

3. Noqo wiil ixtiraam leh: U muuji ixtiraam ra’yigeeda, go’aanadeeda, iyo xuduudaheeda. Ixtiraam shakhsiyadeeda oo ula dhaqan si xushmad iyo qadarin leh. Waxaa rajeyn in aad intaasi ka dhabeyn doonto si aad qalbigeeda si fudud ugu hanato.

4. Muuji daryeel: Noqo qof fiiro gaar ah leh oo fiirso, muuji naxariis iyo taageer wakhtiyada adag. U muuji xiisaha aad u qabto wanaaggeeda oo sii caawimaad haddii ay u baahan tahay.

5. Muuji Kalsooni: Kalsoonida waxay noqon kartaa mid soo jiidasho leh. U muuji kalsoonida hab-dhaqankaaga, hadalkaaga iyo xiisahaagaaaga. Si kastaba ha ahaatee, ka taxaddar inaadan kula kulmin si kibir badan.

6. Noqo wiil kaftan badan: Kaftanku waa hab aad u fiican oo lagu abuuri karo jawi deggan oo farxad leh. Si kastaba ha ahaatee, ixtiraam oo iska ilaali kaftanka xun xun ama aan habboonayn. Tani waa point aad u muhiim ah, maxaa yeelay gabar walbaa waxay jeceshahay wiil ilaaliyo sharafteeda islamarkaana ka qoslisiiyo, maalinteedana ka dhigo maalin cajiib ah.

7. Muuji Feejignaan: U muuji dareenka iyo kalgacayl, u dir fariimo jaceyl ah oo macaan, sameey dhaqdhaqaaqyo yaryar sida in aad u keento ubax si lama filaan ah, kuna tiraahdo tusaale, adigaan kaa fikiray xiliga aan gaariga soo saarnaa, dabadeedna waxaan go,aansaday in aan ubaxaan kuu hadiyadeeyo, ma iga gudoomeysaa?

Muhiim ma ahan in aad wax weyn u keynto kaliya waxaa muhiim ah wax yar oo qalbigeeda soo jiidanayo si aad halkaas uga bilaawdo shukaansi bilow ah.

8. Muuji adkeysi badan: Muuji adkaysi markaad la kulanto caqabado. Tus inaad wax ka qaban karto dhibaatooyinka iyo inaad leedahay dabeecad wanaagsan.

9. Haka hadlin xiriirkaagii hore: Ka hadalka qofka aad xiriirka la lahaan jirtay munaasab kuma ah in aad soo qaado kulanka koowaad, sababtoo ah qofka aad markaas la hadleeso isla markii maskaxdiisa ayaa soo qabaneeso qofka aad ka hadli jirtay isaga oo ka fikir ama umaleeya in uu ahaa xiriirkiina mid sareeyay, wuxuuna u arkaa qofka aad ka hadleeso xitaa hadii aad kala hartaan aadna goobta kusoo qaaday sheegistiis waxaa suurta gal ah in uu iska dhaadhiciyo in noloshaada saameen uu wali kuleeyahay qofka aad ka hadashay.

10. Ha isku amaanin si xad dhaaf ah: Si kasta oo aad magac iyo sumcad u leedahay ma hooboona kulamada hore in aad si xad kabax u faanto waayo qofka aad la hadleyso wuxuu iska dhaadhicinayaa in uu bartay qof faan badan, dadka faana inta badanna waa kuwa laga shakiyo ama loo qaato in uu qofk uu la hadlaayo iska cadow jabiyo taasne waxay kaa burburin kartaa in kulanka xiga oo kaa khasaaro taana waxaa ugu wacan adiga oo afkaaga isku dilay.

11. Sirtaaga gaarka ah hala wadaagin: Laga yaabee in aad kala hadasho sirtaada adiga kuu gaarka adiga oo isku dayayo in ay kuu aragto in aad tahay daacad balse qofka aad markaas la hadleyso wuxuu kuu arkayaa in uu bartay qof aan waxba qarsan karin, wuxuuna kaala baqayaa in uu warar hoose kuugu aamino, marka ma habooono in aad kala hadasho sirtaada gaarka ah waayo waxay caqabad ku tahay kulamadaada xiga.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Translate »