Baro sida loo soo jiito gabadha aad jeceshahay, marka aad gabar jeclaato misana aadan aqoonin sida loo kasbado qalbigeeda waa dhibaato weyn laakin don’t worry.

Jaceylku waa macaan marka aad qof jeclaato. Waxaa had iyo jeer qalbigaada buux dhaafinayo jaceylka iyo xiisaha aad u qabto gabadhaasi. Kaaga daran waxaa laga yaabaa in aadan aqoonin sida loo soo jiito gabadha aad jeceshahay.
Hadda ka hor anigoo joogo Magaalada Muqdisho ayaan waxaan jeclaaday gabar, waxaa igu adkaatay in aan u soo bandhigo jaceylkeyga sababtoo ah waan ka baqayay.
Runtii markuu jaceylku dhab kaa yahay waa dareen aan caadi ahayn, wuxuu kugu dhalinayaa cabsi saaid ah iyo in aad ka baqato sheegashada jaceylkaaga.
Maxaa yeelay ma dooneysid in aad weyso qoftaasi kugu dul wareegeyso. Waqti kastaba hakugu qaadatee waxaa ka go’an soo jiidashada gabadhaas.
Hadaba qormadani waxa ay kaa caawin doontaa in aaad barato sida loo soo jiito gabar walbaa oo aad jeceshahay gaar ahaan marka ay kugu cusub tahay.
Sida loo soo jiito gabadha aad jeceshahay
- Baro erayo lagu soo jiito gabdha aad jeceshahay
- Sameey jimicsiga jirdhiska
- Noqo wiil xarrago badan
- U dhoolacadeey gabadha aad jeceshahay
- Fiiri indhaha gabadha aad ka heshay
- U muuji naxariis
- Xad u yeel dareenkaaga
1. Baro erayo lagu soo jiito gabadha aad jeceshahay
Sida loo soo jiito gabadha aad jeceshahay waa wax fudud, haddii aad adeegsato erayo qalbigeeda soo jiidanayo. In aad barato erayo erayo macaan ah gaar ahaan kuwo soo jiidasho leh kuuma soo dhaweyneyso gabadha aad jeceshahay oo kaliya ee sidoo kale waxa aad ku soo jiidaneysaa dareenka gabadha aad jeceshahay.
Xusuusnow hadalka macaan waxa uu leeyaahy maqaam iyo macno gaar ah, waxa uuna ku yimaadaa u jeedo, sidaa darteed haka weecan u jeedadaada, iskuna day in aad miisaanto hadaladaada.
Qish: Of course halkani waxaan kuugu diyaarinay erayo aan is dhaheyno alley lahee waad ku soo jiidaneysaa gabadha aad jeceshahay.
Si aad u akhrisato riix halkaan: Erayo jaceyl oo romantic ah.
2. Sameey jimicsiga jirdhiska
Marka ay gabadhu aragto jirkaaga oo macaan misana qurux badan, durbaba wax ay qalbiga iska leedahay: Waaw, alla macaana wiilkaan, yaa mar lee kuu aqal geliyo iyo erayo kaloo la mid ah.
Waxa ay maanta oo dhan kula raaceysaa isha. Laakin markaad calool leedahay ma jirto qof ku soo fiirinayo, iskaba daa in ay kula hadasho. Sameey maanta jirdhis oo qurxi jirkaaga si aad jacayl ugu abuurto gabadha aad jeceshahay.
3. Noqo wiil xarrago badan
Wiilasha ayaa ku kala duwan labiska ama xarragaada, midna wuu xarrago badan yahay midna maba yaqaano sida loo xarragoodo.
Taasina waa sababta raga qaar ay single u yihiin ama suuqoodu u yaryahay. Isku day in aad xirato labiska raga gaar ahaan kuwa gabdhaha ay ka helaan.
Qish: Sidee ku ogaan kartaa gabadha ku jecel?
Jawaabta: Gabadha ku jecel waxa aad ku arkeysaa calaamadahaan
4. U dhoolacadeey gabadha aad jeceshahay
Goorta aad aragto gabadha aad jeceshahay, u dhoolacadeey, tusi in aad tahay qof furfuran. Taasi waxa ay kuu suurto gelineysaa in ay kula hadasho ama ay iyadana kuu dhoolacadeyso. Haddii ay intaasi dhacdo waxaad ku guuleysato hadafka koobaaad.
5. Fiiri indhaha gabadha aad ka heshay

Qaladaadka ugu badan ee ay wiilasha sameeyaan waxaa kamid ah: Markii ay arkaan gabar qurux badan, waxa ay iloobaan in ay fiiriyaan indhaheeda, iyagoo ku mashquulo jirkeeda macaan qaasatan dabadeeda weyn.
Taasina waa qaladka ugu weyn ee ay sameeyaan Raga Soomaaliyeed.
Wiilka reer magaalka ah ma fiiriyo jirka gabdhaha ee waxa uu isku dayaa muujinta ka helitaankeeda. Habka ugu fudud ee gabdhaha lagu dareensiiyo jaceylkaaga ayaa ah in aad eegto indhaheeda ilaa shan sikin kadibna aad waqti u siiso in ay iyadana ku eegto.
Haddii ay kula dhacday, waxaad arki doontaa iyadoo dib kuu soo eeg eegeyso.
Fiiro gaar ah:
Waxaa muhiim ah in aad xiligaasi xiran tahay labis qurux badan oo indhaheeda soo jiidanayo, hana ka badbadin eegmada sababtoo ah gabdhaha qaar waa reer baadiye.
Waxaa laga yaabaa in ay ku dhahaan, maxaad iga dayeysaa maantoo dhan.
6. U muuji naxariis
Si aad usoo jiidato gabadha aad jeceshahay waa inaad noqotaa wiil naxariis leh. Ula dhaqan gabdhaha sida aad jeceshahay in ay kuula dhaqmaan.
Waxaa laga yaabaa in aad fududaysato arrintaan laakiin waa xaqiiqo. Haddii aad jeceshahay in ay dadku ku xushmeeyaan kuna qadariyaan, waa inaad bilowdaa inaad ula dhaqanto sidaada oo kale.
Badanaa gabdhaha waxa ay jeclaadaan wiilka shaqsiyadda leh ee aadaabta leh, isla markaana u naxariista dadka kale.
7. Xad u yeel dareenkaaga
Waxaa laga yaabaa in aad ka heshay gabar, waxa aad is leedahay soo jiido oo u muuji dareenkaaga si ay u aragto in aad jeceshahay.
Ama waxaad u qoreysaa fariimo jaceyl oo dhab ah kuwaasoo tirada ka batay si ay kuula hadasho laakin iyadu weey iska kaa indho tireyso.
Taasi ma ahan wax qurux badan oo la sameeyo.
Waxaad gaarsiineysaa gabadha aad jeceshahay heer eysan gaarsiisaneyn.
Xusuuso sadarkaan:
Gabdhaha ma jeclo wiilasha ka badbadiyo ee aan qiimaha isu yeelin. Isa saar buur oo iyadana haku soo raadiso. Ma ahan in aad adiga oo kaliya mar walbaa iyada raadiso. Sababtoo ah iyaduba waxa ay leedahay dareen ka baaxad weyn kaaga laakin iyadu weey is qarineysaa.
Marka ay wax kuu soo qorto, u qor inta ay kuu soo qortay oo kale. Haddii ay saacad kadib kuu soo jawaabtay, u jawaab laba saac kadib. Waxaad arki doontaa iyadoo jawaabtaada sugi la,.
Ugu dambeys gabadha aad jeceshahay
in aad soo jiidato gabadha aad ka heshay, waxaa ka horeeyso in aad naftaada ku kalsoonaato kana taxadirto qurxinta, jirkaaga iyo labiskaaga.
Marka aad intaasi sameyso kuma soo raadineyso gabadha aad jeceshahay oo kaliya ee waxaa ku soo raadinayo Xaliimo kastaa oo nin doon ah, garoobadana warkood daa.
Qoraa: Maxamed Soomaali – Cishq Team