Sida miisaanka loo dhimo ama loo yareeyo: Maxaa kamid ah waxyaabaha miisaanka yareeya? Suurto gal ma tahay in aan 7 maalmood gudahood aan ku jaro caloosha?
Jawaabta macquulka: Haa, laakin waa in aad sameysaa ficiladaan.
Sida miisaanka loo dhimo ama loo yareeyo ma ahan wax adag haddii aad raacdo tilmaamahaan soo socdo. Marka aad rabto in aad ogaato sida la isku caateeyo ama miisanka loo dhimo oo aad ku qorto Google ka ama Youtube ka waxaa ku soo baxayo muuqaalo iyo qoraalo tiro badan kuwaasoo ku jahwareerinayo.

Hadaba si aysan taa u dhicin raac tilmaamahaan. Cishqi.com waxa uu kuu balan qaadayaa in aad 7 maalmood gudahood aad isaga rido kiilaad, laakin waa haddii ay dhab kaa tahay in aad caatowdo ama aad rabto in aad baruurta iska jarto.
Sidoo kale haddii uu labisku kaa wareeray, dhar walbaa oo aad xirato baruurtaada soo saarayo weliba dharkaasi aad ogtahay haddii aad xirato in uu si fiican kuu soo saarayo, hadana aysan suurto gal ahayn maxaa yeelay waxaa saaid ah cayilkaaga. Hadaba qormadani adigeey ku khuseysaa.
Sida aan ognahay dad badan ayaa dhibaato ku qabo baruurta ama miisaanka jirkooda waana sababta keentay in aynu kaga hadalno qormadaan ah sida miisaanka loo yareeyo qaab fudud oo qof walbaa awoodi karo. Haddii aad ficil ahaan u sameyso nuxurka qormadaan waxaan kuu xaqiijineynaa in aaad 7 maalmood gudahood aad ku jareyso kiilaad.
In aad jarto miisaanka waxaad u baahantahay go’aan dhab ah, midna ogow haddii aad dhibsatay miisaanka faraha badan waxay kaa saacidi doontaa in aad guul ka gaarto rabitaankaaga dhabta ah.
Balan qaadka Cishqi.com: Haddii ay walwal kugu heyso sida loo dhimo miisaanka oo aad dhibsatay cayilka faraha badan, waxaan kuugu bishaareyneynaa in qormadani ay wax badan ka bedeli doonto quruxda jirkaaga, maxaa yeelay waxaan ku kalsoonnahay waxa aan qoreyno waana mid aan anaga tijaabinay.
Dhanka kale haddii aan nahay Soomaali kuma baraarugsanin dhibaatada caafimaad ee ay keeni karto baruurta ama cayilka. Hadaba aan u guda galno qormadeena, sid loo dhimo miisaanka:
Waxyaabaha Guska Adkeeya Haddii Uu Kaa Jilcay
Dhab hakaa ahaato sida miisaanka loo dhimo

Maxaan ula jeedaa taas? Haddii ay dhab kaa tahay riditaanka miisaanka ama sida loo dhimo miisaanka, taasi waxay kuu suurto galineysaa in rabitaankaaagu uu noqdo mid dhab ah. Dad badani waxay habeen iyo maalin baadi goob ugu jiraan ama qarash fara badan uu uga baxaa sida ay miisaanka u dhimi lahaayeen, sidaas ay tahayna dhab kama ahan balse waa uun iska jecelyihiin.
Hadaba marka hore waa in ay dhab kaa ahaataa misana aad ka dhaadhicisaa maskaxdaada in aad 7 maalmood gudaahood aad ku jari karto cayilka.
Jooji Cuntooyinka miisaanka kordhiya
Somalia waxay ku jirtaa wadamada ugu badan ee laga cuno cuntooyinka miisaanka kor dhiyo, waxaa dhaqan u lee nahay cunista cuntooyinka faatka ku badan yahay iyo in aan hal mar wax weyn cunno, kuwaasoo aanan xisaab lahayn, sida daarteed jooji waxyaabaha miisaanka kordhiyo sida:
- Cabitaanka sokorta leh
- Macmacaanka
- Waxyaabaha sokorta leh
- Fast food
- bariis tiro badan
- baasto,
- rootiga burka laga sameeyo
- canjeero bur laga sameeyay iwm.
Jaceyl Dhab Ah Sida Loo Dareen Siiyo Xaaskaaga
Cun cuntooyinka miisaanka yareeya

Haddii aad cunto cuntooyinka miisaanka yareeya gaar ahaan kuwa soo socdo waxaan kuu balan qaadeynaa in aad 7 maalmood gudahood aad ku rido kiilaad. Cun cunooyinka kalooriinka ku yar yahay kuwaasoo Protein fara badan leh sida:
- Ukunta(
- Malaay /Kaluunka
- Qudaarta(Brakkoli) iwm
- Digirta
- Mishaarida loo yaqaano lenses food
- Cabitaan badan sida:
- Cabista biyo badan
- Sanjabiilka
- Liin dhanaanta (bilaa sokor)
Daraasaad uu sameeyay mid kamid ah qoreyaasha Cishqi.com waxa uu ku xaqiijiaya in uu 7 maalmood gudahood uu miisaanka ku riday ilaa laba kiilo. Haddii aad raacdo tilmaamahaan, waxaa xaqiiqo ah in aad ku ridi karto in ka badan laba kiilo oo baruur ah.
Qish, ha iloobin cabista shaaha cagaaran. Haddii aad rabto in aad wax ka ogaato shaaha cagaran halkaan ka akhriso: Faiidada shaaxa cagaaran iyo sida uu miisaanka u rido
Qaabka 7 Maalmood gudaahood miisaanka loo dhimo

Qaabkani waxaan tijaabinay hal isbuuc waana qaab aad u fudud, haddii aad sameyso waa hubaal in aad todobo maalmood gudahood aad ku dareemi doonto isbadal weyn.
- Ismiisaan
Si aad u ogaat dhimista miisaanka waxaa fiican marka hore in aad ismiisaanto. Marka aad ismiisaanto waxaa ogaaneysaa inta uu miisaankaaaga ahaa iyo inta aad ku rido isbuuc gudahood. Waxaa jiro miisaano aanan caadi ahayn kuwaasoo aad ku xireyso app misana kuu sheegayo inta faat ah ee jirkaaga ku jirto, lafahaaga, protein kaaga iyo waxyaabo kale. Haddii aad yurub iyo amerika joogto waxaad ka iibsan kartaanka miisaankaasi halkaan.
- Xisaab kaloorinka cuntada aad cuneyso
Cuntada aad cuneyso inta kalooriin ay leedahay waa in aad xisaabisaa. Qof walbaa waxa uu leeyahay kaloorin loogu talo galay taasina waxay ku xiran tahay kiilaadka aad hadda tahay, cabirkaaga iwm. Haddii aad rabto in aad ogaato kaloorinka lagugu talo galay halkaan kaga bogo: Sida lagu ogaado cabirka kaloorinka aad u baahantahay maalintii
Marka aad ogaato inta kalooriin ee aa aaad u baahantahay kadib waa in aad maalin walbaa save gareysaaa ilaa 1000 kalooriin. Macnaha waa in aad dhintaa. Tusaale waxaa tahay 2500 kalooriin, waxaad dhimeysaa 1000 kalooriin. Intaas kadib waxay noqoneysaa isbuucii:
7×1000=7000= hal kiilo oo baruur ah /fat ah.
- Quraacda: subaxdii ku quraaco 2 xabo oo u kun ah oo biyo lagu kariyay
- Qadada: 1 xabo oo malaayga gasaca ah gaar ahaan kan biyaha ah iyo qudaar yar oo ansalaato ah. Xabad moos ah ama Liin bambeelmo ah /oranjo ama xitaa tufaax.
- Habeenkii: Dooro /digaagad biyo lagu kariyay ama dabka hoose lagaliyay taasoo aad marineyso saliid yar sida Oliva oil.
- Cab biyo fara badan: waa in aad cabto maalintii ugu yaraan laba liitar oo biyo ah.
- Sameey hal saac oo jir dhis ah: Tusaale in aad sameyso cardio workout
Fariimo jaceyl dhab ah oo aad u macaan
Gunta iyo Gunaadka sida miisaanka loo dhimo
In aad dhinta miisaanka ama cayilka ma ahan wax fudud laakin haddii ay dhab kaa tahay waxaad ka dhigi karto mid fudud. Qof walbaa oo leh jir qurux badan waxay ku qaadatay waqti iyo juhdi fara badan mana jiraan wax si sahal ah lagu helo marka laga reebo in ay dadku ku kala duwanaadaan kartida iyo kalsoonida qof ahaaneed. Si kastaba hakugu qaadatee waa in aad noqotaa qof dhiiran oo dulqaad leh.
Xusuusnow: Dulqaadku waa waxa kaliya ee aad ku gaari karto hadafkaaga.
Qoraa: Mustafa Mmj