Boorama (Cishqi) – Maxay yihiin sifooyinka guusha? Jawaabtu waa mid fudud, 3 Talo oo ka mid ah sifooyinka guusha, kaana caawineyso in aad guul gaarto, ugu horrayn, in aad guul gaarto waxaa ka horeyso in aad fahanto sifooyinka guusha, markaas kadib waxaad awood u yeelaneysaa in aad gaarto ama aad hesho wax walbaa oo aad ku hamineyso.
Barashada sifooyinka guusha ma ahan sida cilmiga gantaalaha, waa wax fudud, halkaan ayaad ku baran kartaa. Hadaba maxaa kamid ah sifooyinka guusha?
Tilaabo, tilaabo kadibna wadada guusha
3 talo oo kamid ah sifooyinka guusha
Si aad u ogaato sifooyinka guusha, raac tilmaamahaan kana dhabeyn go’aankaaga. In aad gaarto guusha aad rajeyneyso waxa ay ku xaran tahay hadba sida ay dhab kaaga tahay. In wax kastaa la gaaro waxa ay u baahantaahy adkeysi iyo juhdi fara badan.
1. Aamin naftaada kuna kalsoonow
In aad aaminto misana ku kalsoonaato waxa aad doonayso in aad qabato, hadaba si’ aad u aaminto go’aamada aad qaadanayso waxaad u baahan tahay in aad siiso wakhti aad ku ogaato waxa ay yihiin iyo waxa kugu kalifaya in aad ka mira dhaliso.
2. Sameey dadaal fara badan
In aad galiso dadaalkaaga ugu badan misana aad joogtayso, waayo waxa aad wakhtigaaga ugu badan galiso ayaad natiijadoodu heshaa.
3. Ku qanac natiijada kuu soo baxdo
In aad ku qanacdo natiija kasta oo kaaga soo baxdo isku daygaaga koowaad, maxaa yeelay natiijada oo aad ku qanacdaa waxa ay quudisaa amaba sii adkaysaa go’aankaagii hore, waxa ayna suurta galisaa in aad dadaalkaaga sii laba jibaarto isku day-gaaga labaad.
Hadaba dhibta jirtaa waxa ay tahay qaarkeen waxa aan go’aan qaadanaa anaga oo aan aaminsanayn waxa aan doonayno in aan samayno, intaa waxaa sii dheer kuma bixino dadaalkeena ugu badan mana joogtayno, ugu dambayntiina haddii natiijadu aysan noqon sidaan wax u doonaynay isla markiiba waxaan isku qancinaa fikradaha qaldan oo ah
” waan ogaa in aan ka guul gaari karin, waan ku degdegay , ma ahayn go’an wanaagsan ” iyo wixii lamidka ah.
Kadibna fikradahaa qaldan waxa ay sumeeyaan caqligii isbedel doonka ahaa, intaa kadib waxaa dhacda marba marka ku xigta dadaalkaagii wuu ka sii yaraadaa iskudaygaagii hore.
Kadibna marwaliba oo aad go’ aan qaadataba natiijadu way ka sii xumaataa natiijadii kuu soo baxday isku daygaagii koowaad, waayo go’aan aadan aaminsanayn in aad ka mira dhalin karto misana aadan galin dadaalkaagii ugu badanaa oo aadan joogtayn, siday suurtagal ku noqonaysaa natiijadu in ay ku farxad galiso oo aad ku qanacdo !?!?.
Waxaa muhiim ah go’aamadaadu in aysan ku dhisnaan qof hebelba waa sameeyay ee anna aan sameeyo, Hadaad doonayso in aad wax barato ha ku dooran dadkuba way dhigtaan balse ku dooro in aad aaminsan tahay in ay noolashaada wax ka baddeli doonto islamarkaana waa in aad aamintaa in aad ka guul gaari karto.
Hadaad shaqo doonanayso ha u doonan qof hebelba waa ka shaqeeyaa balse u doono waa shaqo aan aaminsanahay in aan ka mira dhalin karo, misana noolashayda wax ka badali karta.
Jaceylka Dhabta Ah Iyo Calaamadaha Lagu Garto
Hadaad ganacsi samaynayo ha u samayn qof hebelba waa ku jiraa balse hanoqdo ganacsi aad aaminsan tahay in aad ka mira dhalin karto misana aad aaminsan tahay in uu noolashaada wax ka badeli doono.
Hadaad doonayso in aad guursato ha u guusan dadkuba way guursadeen balse lamaanaha aad doonayso in aad nolasha la wadaagto ku dooro in uu yahay amaba tahay lammaane noolashaada inta ka dhiman aad ku aamini karto misana aad aaminsan tahay noolashaada in ay wax ka badali doonto..!