Qiso qoraal ah oo aad u cajiib ah, waxaad dooneysaa in aad wax ka ogaato sirta nolosha gaar ahaan jaceylka, guurka iyo guusha hadaba waxaad joogtaa halka saxda ah.
Marka aad u fiirsato nuxurka qisadani waxaad dareemi doontaa in sirta nolosha ay tahay mid iska qiyaali ah oo aanan sidaa u macno badneyn. Qof walbaa wuxuu doonayaa wax kale mana arko waxa dadka kale ka maqan uu isaga heyto. Hadaba aan kula wadaagno qormadani cajiibka ah ee ku saleysan sirta nolosha iyadoo qoraal ah.
Qormadaan qormadii ka horeysay waxaan kaga hadalnay qisooyin qoraal ah kuwaasoo ay akhristayaasheenu aad ula dhaceen. Qisooyinkaasi waxaa ay ku saabsanaayeen arimaha jaceylka qaasatan sirta raga, guurka, hadafka nolosha iyo waqtiyada ducooyinka la aqbalo.
Sirta Nolosha
Waxay i bartay sirta nolosha in aan ka sheekeeyo qisadaan mudan in lagu tusaale qaato. U akhri si taxadar leh iskuna day in aad fahanto waxa aad heysato oo aysan dadka kale heysan.
Bilaawga qisada:
Isbitaal ayaa waxaa ku jirtay haweeney si ba’an u baadi goobeysay midhaha uurka. Waxay ka codsaneysay Dhaqtarka inuu sameeyo waxkasta oo uu awoodo si uu u uureeyo xittaa haddii ay micnaheedu tahay dhalashada ilmo anshax xumo ku yimmaada.
Isla isbitaalkaas waxaa timid Marwo kale oo Dhakhtarka ka baryaysa inuu ka caawiyo sidii ay ilmaheeda caloosha ugu sidi lahayd. Sida ay sheegtay, aabaha cunuggan ay sido ayaa diiday inuu qaado mas’uuliyadda mana aysan hayn karin ilmaha.
Isla isbitaalkaas waxaa timid gabadh kale oo tiri waxaan ku daalay mataano dhalida. Waxayna ka codsatay dhaqtarka inuu ka joojiyo dhalmada.
Isla isbitaalkaas waxaa ka timid haweeney foolaneysa. Waxaan maqlay iyada oo ku dhawaaqaysa duco, markii aan u soo dhawaaday waxaan maqlay iyada oo ka baryaysa Ilaahay inaanu siinin wiil kale, way ka daashay carruurta labka ah ee wiilalka ah. Waxay hore u haysatay 4 ka mid ah.
Qiso jaceyl oo cajiib ah ma aanan ogeyn waxa iga maqan
Isla isbitaalkaas waxaa timid haweeney ninkeedu ugu hanjabay inaysan guriga imaan karin gabar kale haddii uu Ilaahay siiyo. Waxay horey u lahaayeen 5 gabdhood oo wiil la’aan ah.
Malee waxaas…?
Dhakhtarka ay u cabanayeen ee ay miiska u saarayeen dhamaan dhibaatooyinkooda, wuxuu ku mashquulsanaa inuu Ilaahay weydiisto fursad ay xaaskiisa ku noolaato maalin kale. waayo Waxaa laga helay kansarka naasaha.
Waad aragtaa, noloshani runtii waa mid cakiran. Baryada qof waa madax xanuunka qof kale.
Cidna wax walba kuma haysato noloshan. Si kasta oo taajir, farxad ama qanac qof uga muuqan karto banaanka, had iyo jeer waxaa jira sheydaan shaqsiyadeed oo ay ku dagaalamayaan gudaha.
Adiga kaligaa kuma tihid caqabadaha iyo dhibaatooyinka kugu raran.
Ma tihid dareenka kaliya ee aan kugu filnayn, waa uun nimcada iyo naxariista Eebbe ee dhaaftay hamiga, rajada iyo rabitaanka aadanaha.
Ha u oggolaan qofna sheekadiisa guushu inay ku cabsi geliso. Ninna markhaatifurka ha u oggolaan inuu kuu maleeyo inuu Ilaahay kaa tegey.
Ha ka hinaasin nolosha dadka kale. Badanaa dusha uun baad arkeysaa. Haddii aad si qoto dheer u dhex gasho, qof walba wuxuu wajahayaa caqabado ; iyada oo ay sidaas jirto
Ilaahay wuxuu kuugu badali karaa xaaladaada ugu rajo beelka badan waqtiga ugu fiican noloshaada.
Ilaahay la hadal oo u sheeg dhibaatooyinkaaga, maxaa yeelay isaga keliya ayaa xallin kara.
Waad lumin kartaa waxaad haysato oo dhan, waad waayi kartaa dadka aad jeceshahay, laakiin ilaa iyo intaad Ilaahay haysato waxaad haysataa wax kasta oo aad u baahan tahay.
Nolosha Dhabta Ah Waxay I Bartay Wax Cajiib Ah
Waqtigaaga ha ku lumin inaad ka walwasho waxyaabaha ka baxsan awoodaada. Ha u ogolaan welwelku inuu farxada kaa qaado. Taabadalkeed, u isticmaal inaad ugu mahadnaqdo Ilaaha Qaadirka ah dhammaan wixii aad haysatay. Kuna mahadnaq isagu inuu xukunka hayo.
Markaad cambaareyso ama aad ka cabaneyso cuntadaada, ka fikir dadkaas u baahan ee halgankooda kaliya uu yahay inay cunno helaan.
Haddii aadan u maleynaynin in Eebbe ku dhageysanayo, dib u milicso noloshaada iskuna day inaad tirisid inta nimco ee uu kugu maneystay. Inta noloshaada ka hartay waxaad ku qaadan doontaa tirinta…!!
Qoraa: Abdi Kaafi Ahmed Abdi