Taariikhda Caasimada Muqdisho A-Z

Baro taariikhda caasimada Muqdisho A-Z, Mogadishu oo sidoo kale loo yaqaano Xamar waa magaalo leh taariikh fac weyn, hadaba waa sidee taariikhda Muqdisho?

Taariikhda Caasimada Muqdisho A-Z

Markii la soo hadal qaado Taariikhda Caasimada Muqdisho, durbaba dad badani waxaa qalbigooda ku soo dhaco taariikh mug weyn leh oo ay leedahay caasimada.

Muqdisho oo sidoo kale loo yaqaano Banaadir waa caasimada Soomaaliya waana gobol kamid ah golobolada dalkeena hooyo. Hadaba inta aanan bilaabin qormadeena ku saabsan taariikhda caasimada Muqdisho waxaa fiican in aynu isweydiino su’aalahaan:

Ma jiraan aqoonyahaano wax ka qoray taariikhda caasimada Muqdisho?

Yuu ahaa shaqsigii ugu horeeyay ee noqdo Duqa magaalada Muqdisho?

Taariikhda caasimada Muqdisho yeey muhiim u tahay?

Maxaa loo la’yahay dowlad iska xilsaarto qorista, taariikhda caasimada Muqdisho iyo guud ahaan dalka?

Su’aalahaa iyo su’aalo kale oo badan looma haayo wax jawaab ah. Qof walbaa oo aad aragto wuxuu ku weydiinayaa ama ku mashquulsan yahay waxyaabo aanan muhiim ahayn sida:

  • Yaa iska leh Muqdisho?
  • Waa kuwee qabiilada degan Muqdisho?
  • Yaa ku badan Muqdisho, iyo waxyaabo lamid ah.

Of course Muqdisho waxaa iska leh dadka Soomaaliyeed kana dhexeeysaa, marka ma ahan in dadka qaar ay dadka la soo hor istaagaan, yaa iska leh Muqdisho?

Dadka xiiseeyo Taariikhda Caasimada Muqdisho

Dad badani oo isugu jira Soomaali iyo ajnabi waxa ay isweydiiyaan oo ay jeclaan lahaayeen in ay wax ka ogaadaan taariikhda caasimada Muqdisho, haddii aan si kale u dhigo marxaladaha ay soo martay caasimada Muqdisho iyo waxyaabaha ay ku caan tahay.

Inta aanan u guda galin taariikhda caasimada Muqdisho

Xagee ku taalaa Magaalada Muqdisho?

Muqdisho waxa ay ku taalaa galbeedka badweynta Hindiya oo sidoo kale loo yaqaano Indian Ocean. Waa magaalo aad u qurux badan oo indhuhu soo jiitaan. Muqdisho waxa ay badweynta Hindiya kaga wareegsan tahay sedex jiho.

Muqdisho, caasimada dalkeena hooyo waxaa dhidibada loo aasay waqti aad u fog oo ay taariikhyahaanada aduunka isku qilaafeen. Muqdisho waxaa qiyaastii la aasaasay qarnigii 2-aad ama kii 3-aad ee taariikhda milaadiga.

Muqdisho magaalo ahaan waxa ay ahaan jirtay xarun ganacsi iyo marin kala qeybiya Hindiya iyo Yurub. Inta aan la qodin kanaalka Suweys iyo jaziirada carabta iyo xeebta Afrikada bari.

Xiligaasi xaafadaha magaalada Muqdisho waxa ay koobnaan jirtay lex xaafadood, taasoo ay degenaayeen qabiilo. Xaafad kastana waxaa xukumi jiray Sheekh. Xaafadaha wax ay lahaayeen golaha odayaasha kuwaasoo u dhaqmi jiray sida qaab federaal ah misana kulmiyo xaafadahaasi, si ay ugu tashtaan arimaha magaalada qarnigii afaraad ee miilaadiga.

Muddo kadib magaalada Muqdisho waxa ay isu bedeshayy qaab u eg saldanaad.

Magacyada degmooyinka Gobolka Banaadir

  • Boondheere
  • Cabdicasiis
  • Dayniile
  • Dharkenley
  • Hodan
  • Howlwadaag
  • Hilwaa/Huriwaa
  • Kaxda
  • Kaaraaan
  • Shibis
  • Shangaani
  • Waaberi
  • Wadajir
  • Warta Nabada/Wardhiigley
  • Xamar Jajab
  • Xamarweyne
  • Yaaqshid

Magacyada Xaafadaha Muqdisho

Maxaa loola jeedaa Muqdisho?

Sida ku xusan taariikhda caasimada Muqdisho, magaca “Muqdisho asal ahaan halka uu ka soo jedo, waxaa la sheegay in magaalada Muqdisho ay markeedii hore la oran jiray Xamar iyo magacyo kale.

Tusaale:

  1. Xamar Jajab
  2. Xamar cade

Waxaa suurtogal ah in magacyadaasi dhamaan magaalada Muqdisho loogu yeeri jiray. Waqtiyo kala duwan oo ay magaaladani qadiimka ah soo martay iyo isbedelada qaabka dhismaha.

Taariikhyahaanada ku xeel dheer qorist taariikhyada qaasatan kuwa wax ka qoray taariikhda caasimada Muqdisho, waxa ay cadeeyeen in magaca Xamar uu yahay magacii ugu horeeyay ee ay magaaladu lahayd.

In kastoo hadana ay jiraan taariikhyahaano isku qilaafay magaca Xamar, oo ah magaca bulshada ay aad u taqaano.

Macnaha erayga Xamar

Xamar waxa ay bulshada Soomaaliyeed ku macneeyaan “Alxamaraa” Qaar kalena waxa ay ku sheegeen in ay ka timid erayga Ximyar oo ahaa dowladdii Islaamka ee xukumi jirtay Yemen.

Dowladaasi waxa ay gacanta ku heysay ganacsiga xeebaha bariga Afrika oo ay kamid tahay magaalada Muqdisho.

Macnaha magaca Muqdisho

Asal ahaan macnaha magaca Muqdisho waxaa la sheegaa in uu ka yimid kalmada ama erayga “Maqcad Shaah” oo macnaheedu yahay ama lola jeedo kursiga boqorka. Haddii aan sii faah faahiyo halka ugu wanaagsan ee uu boqorku fariisto ama xaruntiisu tahay.

Sida cad Muqdisho waxaa qarnigii 6-aad ee taariikhda hijriyada xukumi jiray faarisiinta. Waxaan Soomaalida ku adkaaday ku dhawaaqida Maqcad Shaah, waxa ayna u bedesheen Magaca hadda jiro.

Magaca Maqcad waa Af Carabi, halka magaca Shaah uu yahay faarisi, macno ahaanna uu noqonayo boqor. Markaa taas mala dhhi karo oo maloo macneyn karaa in magaalada Muqdisho aasaasideeda dadka faarisiiyiinta ay qeyb ku lahaayeen, maxaa yeelay waxaa laga isticmaali jiray erayada faarisiga magaalooyinka carabta iyo Xeebaha Soomaaliya waqti aad u fog.

Sida ku xusan taariikhda Muqdisho waxa ay badi taariikhyahaanadu qireen, in magaalada Muqdisho uu Islaamku soo gaaray inta ay magaaladaas soo shaac bixin.

Markii ay dadka magaalada dhamaan diinta Islaamka ay wada qaateen oo ay noqdeen dad aad looga yaqaano gobolka. Taasi waxa ay keentay in dhamaan xeeaha Afrikada bari oo ka kooban Sansibaar, Soomaaliy, jabuuti loogu yeero Muqdisho.

Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho markii  ay dadka Islaamka galaeen, markaas oo ahayd qarnigii 1-aad ee taariikhda hijriyada. Waxa ay dadkaasi noqdeen darbiyadii aadka u difaayay Islaamka Afrika.

Duqii ugu horeeyay ee galay taariikhda caasimada Muqdisho

Kumuu ahaa duqii ugu horeeyay magaalada Muqdisho? Kaasoo ah Soomaali?

Jawaabta: Cali Cumar Sheegow.

Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho waxaa guud ahaan soo maray duqyaal fara badan, waxaana halkaan hoose ku diyaarinay magacyadooda iyo taariikha laga xusuusto.

Liiska magacyada Duqa Magaalada Muqdisho

Sida taariikhda Muqdisho la xusuusan yahay waxaa guud ahaan soo maray gudoomiyeyaal fara badan oo isugu jira Ajnabi iyo Soomaali.

10 kamid ah duqa magaalada Muqdisho waa Talyaani, kuwasoo xukumayay intii u dhexeysay 1936 ilaa 1953 dii.

Magacyada duqa magaalada Muqdisho Ajnabi iyo Soomaali

  1. Dr. Compani Romeo, Podesta, 1936
  2. Rag Scarpa, Podesta, 1937
  3. Dr. Sicar, Podesta, 1937
  4. Dr. Barbano Luigi, Podesta, 3-6-1937
  5. Dr. Banidno Marco, Captan Podesta, 3-6-1937
  6. Guliano Sanaotore, Podesta, December, 1938
  7. Dr. Pantelli Pietro, Gudoomiye Idman, Febraayo, 1941
  8. Olivieri Aliveri, Gudoomiye Idman, Abril 1941
  9. Oliviero Enrico, Juun 1950, Madax Maamulkii Muqdisho
  10. Vecco Cario, Madaxa magaalada Muqdisho 1953
  11. Caaqil Axmed Raage Duq Magaalo Sannadjii 1955
  12. Maxamed Sheekh Jamaal Cabdullaahi, Duq Magaalo, 1956
  13. Axmed Muudde Xuseen, Duq Magaalo, November, 1958
  14. Dr. Keenidiid Axmed Yuusuf, Guddoomiye Idman, 30-ki Agoosto 1962
  15. Axmed Muudde Xuseen, Duq Magaalo, 2-di Jannaayo 1966
  16. Cumar Xasan Maxamuud (Istarliin), Duq Magaalo, Febraayo, 1969
  17. Dr. Shariif Maxamed Caydaruus, Duq Magaalo, Maarso, 1969
  18. G / Sare Axmed Maxamuud Cadde, Guddoomiye Idman, 20-November November 1969
  19. G / Sare Cusmaan Maxamed Jeelle, Guddoomiye Idman, Dec. 8, 1970
  20. G / Sare Xasan Abshir Faarax, Duq Magaalo, 20-kii March 1973
  21. Yuusuf Ibraahim Cali (Abuuraas), Duq Magaalo, Febraayo, 1978
  22. Dr. Kabdullaahi Salaad Warsame, Guddoomiye, May, 1981
  23. G / Sare Xasan Abshir Faarax, Duq Magaalo, 1982
  24. Cali Ugaas Cabdulle, Duq Magaalo, 1987
  25. Sayid Cumar Xaaji Maxamed, Duq Magaalo, 1990
  26. S / Guuto Axmed Jilacow Caddow, Duq Magaalo, 18-kii Oktoobar, 1990
  27. Cabdullaahi Gacal Sabriye, Duq Magaalo, 1991
  28. Cabdullaahi Muuse Xuseen, Duq Magaalo, 2000
  29. Dr Xuseen Cali Axmed, Duq Magaalo, 2003
  30. Maxamuud Xasan Cali (Cadde), Duq Magaalo, 2005
  31. Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), Duq Magaalada 28-4-2007
  32. Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur November 2008 – November 2009
  33. Eng.Cabdirisaq Maxamed Nuur / Guddomiyaha Gobolka Banaadir 2009
  34. Maxamud Axmed Nuur Tarsan Duqa Magaalada ahna Gudoomiyaha Gobolka 2010-2013
  35. Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab) Duqa Magaalada 2013-2014
  36. Yuusuf Xuseen Jimcaale (madaale) duqa magaalada 2015-2016
  37. Thabit Abdi Mohamed Duqa Muqdisho Ahna Gadoomiyaha Gobolka banaadir 2017
  38. Eng. C / raxmnaan Cumar Cismaan (YariIsow) Duqa Muqdisho banaadir 21 Janaayo 2018

Qish: Qormooyin kale oo xiiso leh

Sawirada Muqdisho 2021

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Translate »