VOA Somali waa warbaahin aad iiga yaabsatay

VOA Somali mara aynu maqlno waxaa qalbgeena ku soo dhaco wararka Soomaaliya, VOA Somali waxay kamid tahay warbaahinta ugu weyn dalkeena hooyo, waxayna ku soo xigtaa BBC Somali, marka loo fiiriyo magac ahaan iyo bulshada ku xiran.

voa somali, bbc somali, voa somali  duhurnimo, idaacada voa

Waa warbaahin nuucee ah VOA Somali?

VOA waa warbaahin caan ka ah dalka Mareykanka iyo guud ahaan aduunka. VOA Somali waxaad kala socon kartaa guud ahaan warark Soomaaliya iyo siyaasadda kuwii ugu dambeeyay. Sidoo kale waxa ay warbaahintu soo gudbisaa guud ahaan wararka caalamka.

Romantic Somali Love Quotes Translated in English

Goormee la aasaasay VOA?

VOA waxaa la aasaasay sanadku marka uu 1942, ahmiyadeenu waxay tahay tabinta warar madaxbanaan oo isku dheelitiran, si ay dhageystayaashu ugu gudbiso warar ku saleysan runta iyo xaqiiqda. VOA waxay wararka ku baahisa luuqada gaarayo ilaa 45 luuqadood oo ay ka mid tahay luuqadeena afka Soomaaliga ah.

Maxaan kaa faaiidayaa Cishqi Somali Website?

VOA waa warbaahin u madaxbanaan tifatirkeeda sida la sheegana waxay damaanad qaaad ka heysataa shuruuc gaashaan u ah suxufiyiinta VOA oo ka ilaaliya in saraakiisha dowladda iyo siyaasiyiintuba adeegsadaan, ka aargutaan ama ay cadaadiyaan.

Madaxweyne Gerald Rudolph Ford ayaa waxa uu saxiixay cahdiga VOA sanadka marka uu ahaa 1976, kaasoo dhigayo.

Somali Love Messages For Her and Him

VOA in ay noqoto warbaahin wararkeedu xaqiiqo yihiin laguna kasoon yahay. Sidoo kale VOA in ay wararkeedu noqonayaa warar sax ah oo dhameystiran misana isku dheelitiran.

  • In warbaahinta VOA matasho Maraykanka, oo aysan matalin dad gaar ah, in ay tahay idaacad u adeegto bulshada Maraykanka, taasoo hadafkeedu tahay in ay dalka Maraynka iyo dadka Maraynkanka ah ka gudsbiso sawiro isku dheelitiran, kuwaasoo ku saabsan aragtida shacabka iyo hay’adaha Maraykanka.
  • VOA in tabiso wararka waxtarka u leh siyaasadda Maraynkanka soona bandhigto falanqayn iyo aragti dhiibasho ku saabsan siyaasadaha. Kongareeska Maraynkanka ayaa waxa uu ansixiyay xeerka warbaahinta Maraykanka sanadku marka uu ahaa 1994, sharcigaas oo farayaa weriyeyaasha VOA in ay howshoodu u gudbiyaan si sax ah islamarkaana ahaato mid sugan. Calashaan eex la’aan, dheelitirnaan iyo warar dhameystiran, islmarkaana ka turjumaysa kala duwanaashaha dhaqan iyo bulsho ee dalka Maraykanka.
  • Sidoo kale sanadka marka uu ahaa 2006 waxa uu Kongareeska Maraynkanka mar kale ku xaqiijiyay xeerka ogonaanshaha Difaaca Qaranka,  kaasoo dhigayo in VOA ay soo tebiso waraka kuwooda isku dheelitiran misana ay ahaadaan warar dhameystiran. Hadaba adiga aragtidaada akhriste? Sidee u aragtaa warbaahinta VOA Somali? Ma tahay warbaahin soo tebiso wararka caalamka kuwooda ku saleysan xaqiiqda?

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Translate »