Marar badan marka aad isweydiiso waa maxay Jaceyl, waa maxay kalsooni jaceyl, Waa maxay farxad jaceyl hadana aadan si sax ah ugu jawaabi karin waad ku jahwareereysaa, waxaa dareemeysaa dareen qurux badan hadana ma garan kartid nuuca uu yahay.
Ma anigaa waalan mise Cadan baan ka heysayaa?

Saalax Qaasimi iyo waa maxay jaceyl?
Mar uu ka jawaabayay Saalax Qaasim waa maxay jaceyl, waxa uu yiri: Jaceyl waa macaan amba waa qaraar kolba waa siduu kugu soo maree.
Erayga jaceyl waa eray qurux badan, waa dareen farxad leh laakin nasiib daro dadkoo dhan mawada dareemi karaan. Marka aad qof si dhab ah u jeclaato waxaa dareemeysaa dareen waali ah, haddii aan si kale u iraahdo dareen aanan caadi ahayn, kaaga daran waxa uu wataa farxad jaceyl. Ma wato farxad jaceyl oo kaliya ee sidoo kale waxa uu wataa kalsooni jaceyl.
Cabdi yare iyo waa maxay jaceyl?
Aniga oo ah Cabdi Yare waxaa aan ahaay wiil aan waligiis gabar isku dayin in uu jaceyl la wadaago. Kaaga daran makala aqoonin waa maxay farxad jaceyl iyo waa maxay kalsooni jaceyl.
si kastaba ha ahaatee waxa aan maalin arkay gabar aan u maleeyay midii aan nolosha la wadaagi lahaa. Gabadhu waxa ay ahayd mid ay indhuhu ka libiqsaneynin qof walibana daawasho la raacayo.
Run ahaantii aniga waxa aan ku dadaali jiray in aan mar uun la wadaago xiriir jaceyl balse waan ka baqi jiray. Taasi waxa ay maanta igu dhalisay in aan qormadaan waa maxay jaceyl idinla wadaago.
Qish, halkani waxaan akhristayaasheena ugu diyaarinay qormooyin xiiso leh:
Erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh A-Z Qeybtii 1-aad
Jaceyl Dhab Ah Sida Loo Dareen Siiyo Xaaskaaga
Jaceylka Dhabta Ah Iyo Calaamadaha Lagu Garto
Jaceylkeygii hore ee Canab

Canab waxa ay ku dhalatay Muqdisho qaasatan degmada Hodan laakin waxa ay ku soo barbaartay magaalada Neyroobi ee dalka Kenya.
Canab dhab ahaantii waa gabar dabeecad, qurux iyo bashaashnimo ALLE ku maneystay, waxa ay ahayd qof farxaan ah misana leh dabeecad aad u wanaagsan laakin hal dhib ayaa jiray. Wax kale ma ahayn ee rerkeeda ayaa ahaa kuwa aad u xun, waayoo ma jecleen in gabadhooda uu shukaansado wiil aan cidooda ahayn.
I hate qabiil. Run ahaanti caashaqa waxaas oo dhan waa uu ka weyn yahay balse dadka qaar ayaanba garaneynin.
Maalin ayaan isku dayay in aan la hadlo Canab si aan ugu sheegto dhibka i heysto balse waan awoodi waayay, markii aan arkaba cabsi fara badan ayaan dareemayay, waxayna iga tagtay anigoo gadaal u sii fiirinaayo. Alla Canab jir macaanaa, yaa mar lee kuu guuriyo.

Mudo ayaan daba socday aniga oo ka cabsanaayo iyada, marka ay xaafada imaado waxaan iska daawan jiray arageeda farxada leh, markii ay baxdana waxaan raaci jiray raadkeeda si aan niyada ugu dhisto.
Ma jecleen dadka in ay i ogaadaan, waxaana had iyo jeer qalbiga ku heyn jiray in maalin uun ay i dareemi doonto, anigoo aaminsan in jaceylku yahay dareen, dareenkaasoo qalbiga ku faafo.
Aniga waxaan lahaa hal saaxiib oo mar waliba igu dhiira galin jiray in aan arinteda sheegto, ugu danbeynna waxa uu talo ahaan ii siiyay in aan dhambaal jaceyl u qoro una geeyo Canab.
Warqaddii dhambaalka ahayd in aan u dhiibo Canab waxa ay igu qaaday mudo badan, waayoo jaceylka marka uu cabsida la socdo ayaa lagu tilmaami karaa jaceyl dhab ah. Markii aan mudo wada soconay ayaa maalin aniga iyo Canab waxaa na dhex maray wada sheekeysigaan.
Shukaansi Jaceyl: Canab iyo Aniga
Cabdi Yare: haye, qaali!
Canab: haa macaane.
Cabdi Yare: Iska waran qaali?
Canab: Waan ladanahay macaane, adigane?
Cabdi Yare: Aad baan u fiicanahay qaali.
Canab: Waa sidee maalintaada macaane?
Cabdi Yare: Macaanto maalinteydu aad beey u dhalaaleysaa oo uqurux badan tahay sida dhoola cadeyntaada farxada leh.
Canab: Waaw, waa cajiib.
Cabdi Yare: Qaali waan kuu xiisay sow ma ogid weliba si xad dhaaf ah, waxaaan kaaga fikiray in ka badan inta aanan nafteyda ka fkirin, maxaa iskuulka u imaan weyday maanta?
Canab: Haa macaane, waan dareemi karaa balse waxa ay ahayd inaan dhaqtar aado, ma imaan karin maanta Iskuulka.
Cabdi Yare: Oh runtii? Sababta
Leylo: Oh, waxba. Kaliya waxaan soo qaadanayay qaar ka mid ah tallaalada sanadlaha ah, waa intaas oo kaliya.
Cabdi Yare: Oh.
Canab: Xisaab nuucee ah ayaad qaadateen maanta?
Cabdi Yare: Kuma seegin wax sidaas u weyn, kaliya xisaab qoraal ah.
Canab: Hagaag, waa beelo.
Cabdi Yare: Haa.
Canab: haye, su’aal ayaan qabaa.
Cabdi Yare: Waayahay, iweydii.
Canab: Imisaad i jeceshahay?
Cabdi Yare: Waad ogtahay inaan kaa jeclahay wax kasta oo adduunkan yaalo.
Canab: Haa.
Cabdi Yare: maxaad ii weydiisay?
Canab: * aamus *
Cabdi Yare: Ma waxbaa qaldan qaali?
Canab: Maya waxba ma qaldano. Um Intee ayaad iga taxadirtaa?
Cabdi Yare: Waxaan kaaga taxadiraa sida canug yar oo socod barad ah, waxaa kuu garaamco wadnaheyga, aroortii waxba ma cunno, adaan kaa fikiraa, duhurkii waxba ma cuno adaan kaa fikiraa, habeenkiii ma seexdo, ileen adaan kuu gaajeysanahay.
Canab: Hahaha, runtii waad iga qoslisiisay, waana sababta aan u jecelahay in aan sii ahaado wehelkaaga. Haddii aadan jawaabtaas isiin lahayn, nafteyda ma dareemi lahayn kalsooni iyo farxad jaceyl.
Waa maxay love ama jacayl?

Marka aan isweydiino waa maxay love? Durbaba qalbigeena waxaa ku soo dhacayo jaceyl, dareen qurux badan oo qalbigu u bogayo. Erayga Love waa eray xambaarsan macno weyn misana waa eray dadka intooda badan saameeyo. Hadaba erayga love waxaa loo soo gaabiyay sidaan:
L (lack of pleasure)
O (ocean of sad)
V (vellay of deeth)
E (end the live)
Haddii aan af Somali ku macneyno (farax la,aan), (badda murugada), (dooxada quruntay), (dhamaadka nolosha). Hadaba kalmada love oo macneheedu yahay jacayl waxa uu Af Soomaali ahaan noqoneyaa:
J (jahwareer)
A (amakaag)
C (calaacal)
A (anfariir)
Y (yaab)
L (luul)
Run ahaantii erayga jaceyl waa erey ku soo noq noqda in badan qalbiyada dadka. Laakin su’aashu waxa ay tahay ma jiraa jaceyl mise ma jiro?
Runtii Jaceyl waa wax jiro, wuuna jiri doonaa inta ay dunidani dhisantahay. Jaceyl waa dareen ku lamaansan jiritaanka nolosheena, waayo qof walba wax ayuu ka helaa.
Akhristoow, Ka hadalka jaceylka ama faalooyinkiisu aad ayeey u badan yihiin laakin haddii aan ku noqdo su,aalaha kor ku xusan ee ah: Jaceyl waa maxay?
Erayga jaceyl sifooyinka lagu sifeeyo waxa ka mida ah: doonis, rabid, ka helid, u khushuucid, jamasho, ka dhex dhalata labada qof markeey kulmaan.
Run ahaantiina Jacaylka dhabta ahi ma gudho mana dhamaado, had iyo jeerna qofka wax jeceli afkiisa kama suulo ruuxuu jecel yahay, mar arrintaasi lays weydiiyeyna waxaa laysla gartey hadal hayntaasi joogtada inuu uga dhawaanayo, wehelna uu ka dhiganayo, waxaa kaloo la xaqiijiyey in ay riyaduna xad dhaaf tahay, waana iska suurowdaa inuu habeenkiina ku qarwo!!!!.
Philosoph ( waa cilmi saynis la xiriira aasaaska jiritaanka dunida iyo fahanka micnaha nolosha ) iyo Diinta Islaamkuba waxyaabo badan ayeey ka yiraahdeen jacaylka, diin kastaba ha ahaate iyo af kastaba ha ahaadaane, jacaylka isku si looma qeexo badanaa.
Midka jaceylku saameeya wiil iyo gabarba, waxay had iyo jeerba ku jiraan mowjada feker ah, himiladiisana wuxuu ugu baaqi dhigaa ruuxa uu jeclaa. Waxayna dib u soo celisaa xasuustiisa, waxaana ku abuurma xiisad kalgaceyl oo uu weligiis hilmaami doonin.
Wiilka iyo gabadhaas waxay go’aan ku gaaraan ayay fuliyaan, iyagoo kalsooni jaceyl buuxda isu haya, waxa ay sameynaa uu yahay jaceylkooda. Waxay ka tashadaan aayaha dambe iyo mustaqbooda sida uu noqon doono.
Jaceylku wuxuu leeyahay faa’iidooyin iyo qasaaro laakinse waxyeelada ugu daran ee jaceylku keena waxaa weeye marka ugu horeysa aad dareentid inuu ku taabtay talaalkii jaceylka, taas oo micneeheeddu tahay xanuun cusub oo ku soo kordho oogada, jirkoo ku jajaba, niyad xumi, raashiinkoo ka go’did, iyo is daryeel la’aan jirkaadaada ah.
Waa astaamaha jaceylka, markaad ruux jaceyl u qaadid, oo isna kuu ogeyn inaad dunida ku nooshayba. Jaceylka noocaas ah, waa midka ugu khatarsan intaad naftaad halis gelisid amaba dhaawac isu geysatid, mana ogaantid goortaad ficilkaas sameysay, sababtoo ah, damiirkaada oo maqan.
Dakhtar ku daaweyn karo maleh, illaa aad ka heshid kii ama tii aad jeclaatay amaba aad codkiisa iyo aragiisa maqashid/aragtid taasi waa qasaaraha uu leeyahay jaceyl. Jacaylku waligiis waa jiray waxaana nahay mataano waxaana ku kulanaa nolosha, jacaylku asaga nooma baahna ee anagaa ubaahan.
Jacaylka waa wax soo jireen ah ilaa iyo abuurkii Xaawo Iyo Aadan, Jacaylka kama maarano asagana nagama maarmo. Jacaylka waa cudur dawadiisuna waa qofka aad jeclaatay oo kugu garab istaaga, beerana geed laga waraabiyo labada dhinac.
Waxaa jira dad fara badan oo u dhintay jacaylka, dadkaas oo ahaa qoomiyado kala gadisan waayo jacaylku mayaqaan da, iyo waqti, madaw iyo cadaan, jinsi midna (waa lax dhukan abaar moog) dadkaas waxaa kamid ahaa Leylo iyo Qays, Cilmi iyo Hodan, Grendiano, Romeo iyo Juliet Iyo waliba dad kaloo aad u fara badan oo aanaan halkaan ku soo koobi karin.
Sawiro jaceyl ah: Romeo iyo Juliet

Sawiradani waa sawiro jaceyl ah gaar ahaan kuwo ka turjumayo jaceylka dhabta ah, waa kuwo ka mid ah sawirada hoyga ay daganeed Julia ee ku yaalo magaalada Verona ee dalka Talyaaniga.
Baalkoonkaan idiin muuqdo waa halka ay Juliet ka shukaansan jirtay Romeo, waa halka kaliya ee ay ku muujin kartay jaceylkeeda dhabta ah.

Sawirkani waa isla guriga Romeo iyo Juliet oo ay dalxiisayaashu hadda ku xardheen qunfulo jaceyl ah. Halkani waxaa sidoo kale qunfulka jaceylka ku xirto lamaanaha jaceylka gaar ahaan kuwa sida dhabta ah isu jecel ee doonayo in ay wadaagaan noloshooda inta ka harsan.
Jacaylka waxa uu leeyahay astaamo kale oo lagu garto waxaana ka mid ah:
- Dhidid,
- Cuqdad,
- Fakar xad dhaaf ah,
- Boholyaw,
- Mashquul fara badan
- Qofka oo dhibsada hadalka
- U hamuun qaba araga qofka uu jecelyahay
- Tarsaas magaca qofka uu jeclaaa, Cunada oo kaa xiranta iyo cunaha oo wixii sii maraaba ay noqdaan candhuufta
- Danaynta qof kaga warama arimaha jacaylka ama xaalada uu ku sugan yahay/tahay
- Iyo in aad jeclaato buugaagta jacaylka ah qaasatan kuwa ka waramaya qisooyinka jacaylka iwm.
Waa maxay daawada jaceylka?

Runtii dawada jaceylka oo shaki ku jirin waxa ay tahay inaad hesho qofkii aad ka heshay ama aad jeclaatay, kaasoo qalbigiisu kuusoo jeedo daacadna kuu ah. Haddii aad intaasi hesho, waxa aad heshey daawadii jaceylka!.
Jaceyl waxa la dareemaa marka aad la kulanto qof nafsadaadu ay ka hesho naftaaduna ogolaato! Markaas ayaad si dhab ah u dareemeysaa jaceylka dhabta ah waayo jaceylka ayaaba ah dareen.
Rabitaanka qofka aad jeceshahay waxa aad kala kulmeysaa farxad marna murugo, sidaas ay tahayna labaduba waxaa ku dareen siin karo qofka aad jeceshahay ama aad ka heshey.
Tusaale: waxaad jeclaatay inaad wacdo qofkii aad jecleyd oo aad tebeysay, kadibna waad weydey, isla waqtigaas waxa aad dareemeysaa niyad xumo. Laakin haddii aad hesho ama aad la kulanto qofka aad jeceshahay waxa aad dareemeysaa farxad aanan caadi ahayn.
Waa maxay farxad jaceyl?
Haddii aan nahay dhalinyaro waxaan jecelnahay in aan helno farxad jaceyl laakin isma weydiino:
- Waa maxay farxad jeceyl?
- Sidee nafteyda ku farxad gelin karaa?
- Sideese lamaanaheyga farxad jaceyl ku siin karaa?
Marka aad qof si dhab ah u jeceshahay wuxuu ku siin karaa farxad jaceyl, marka uu isagana si dhab ah kuu jecelyahay wuxuu sidoo kale ku siin karaa farxad jaceyl. Hadaba waa maxay farxad jaceyl?
Xaqiiqdii farxada jaceylka waa isa siin, waa wadaagida dareenka dhabta ah. Haddii uu rabo lamaanahaaga in uu ku farxad geliyo, waxa uu kugu farxad gelin kartaa wax yar, wax yarna wuu kugu dhaawici karaa.
In aad lamaanahaaga faraxad geliso uma baaahnid wax weyn, kaliya waxaad u baahan tahay in aad u qorto erayo nuucaan ah: Sida loo dhaho lamaanahaga waan ku jeclahay
Jaceylku runtii waa luuqada qalbiyada iyo indhaha. Waa macalinka nolosha. Waa bilaawga kalsoonida iyo caashaqa. Waa hoyga farxada iyo dareenka. Waa geedka ubadka iyo jiritaanka.
Dabcan farxada jaceylka waa wax muhiim ah oo uusan lamaanuhu ka maarmeynin. Haddii aanan farxadi jirin, jaceyl ma jiro. Jaceyl sidiisaba waa wax rabaani ah, waana lagama maarmaan in aad heysato jaceyl farxad leh.
Jaceylka kan ugu wanaagsan waa kan yimaado marka la is mehersado kadib, laguna dhaqmo daacadnimo iyo muxibo kalgaceyl.
Waa maxay kalsooni jaceyl?
Marka hore waa maxay kalsooni jaceyl? Maxaan u baahannahay marka aan rabno in aan dhisno kalsooni jaceyl? Sidee ku dhisi karnaa jaceyl leh kalsooni? Jawaabtu wey fududahay.
Sida lagu dhiso kalsooni jaceyl waa wax fudud, waxaase ka sii fudud sida lagu burburiyo. Hadaba waa maxay kalsooni jaceyl?
Kalsoonidu waa is aamid, in aad lamaanahaaga aaminto, isagana uu ku aamino. Laakin inta aan la is aaminin waxaa ka horeeyo in qofba qofka kale uu ka fogaado beenta iyo balan ka baxa.
Marka uu lamaaanahaaga kugu barto run iyo daacadnimo waxa ay dhalineysaa in uu ku aamino. Haddii aad rabto in aad lamaanahaaga ku abuurto kalsooni jaceyl, ula dhaqan si qalbiyan ah, ka dhaqaaq waxyaabaha keeni karo kala fogaanshihiina, yareey qaladaadka ulana dhaqan si ALLE dartii ah.