Muqdisho (Cishqi) – Waan ku jeclahay xabiibi, gacaliso, waa erayo qurux badan laakin ma ahan erayo kedis ah qaasatan erayo sarbeeb ah oo qalbiga toos u taabanayo.

Inaad tiraahdo lamaanahaaga waan ku jeclahay, xabiibi, xayaatii, macaane, macaanow waa wax aan laga maarmeynin. Sidoo kale shukaansi aanan erayo macaan la socon waa sida shaax aan sokor lahayn. Qof walbaa wuu garanayaa sida uu u dhadhamayo shaax aan sokor lahayn, haddii aad ka badbadiso lamaanahaaga waan ku jeclahay misana aadan u dhihin qaabab kale, waxaa suurto gal ah in jaceylkaagu uu noqdo mid borring ah.
Hadaba haku badbadin lamaanahaaga erayga waan ku jeclahay, Maxaa yeelay waa erayo aad u fudud oo qof walbaa dhihi karo. Waan ku jeclahay marka aad dhaheyso lamaanahaaga waxaa fiican inaad muujiso dareenka dhabta ah ee aad u qabto, adigoo isticmaalayo erayadaan soo socdo.
Qish: Baro erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh
Sidee loo dhahaa lamaanahaaga waan ku jeclahay?
Sida loo dhaho lamaanahaaga waan ku jeclahay waa wax aad u fudud, sidaa darteed adeegso erayadaan cajiibka ah misana qalbiga lamaanahaaga soo jiidanayo.
Hadddii aad isticmaasho erayadaan quruxda badan waxaad arki doontaa lamaanahaaga oo kugu waalanayo misana aanan marnaba kaa xiiso dhigeynin.
Kalgaceylkaagu waa ii darajo, jaceylkaagu waa ii dan, erayadaadu waa ii daawo, aragaagu waa ii dabiib.
Tan kale xusuusnow: Dumarka qaar waa sida Farxiyo Fiska oo kale, ma jecelo in laga badbadiyo waan ku jeclahay. Maxaa yeelay banaaanka ayeey kuu xoorayaan, calashaan wadada ku qul qul.
Waan ku jeclahay qaabka loo dhaho lamanaahaaga
Halkani waxaaan kuugu diyaarinay erayo iyo geeraaro caashaq oo isku dheeli tiran kuwaasoo aan ku kalsoonnahay in ay ku cajab gelin doonaan. Ku dheh lamaanahaaga waan ku jeclahay qaab nuuc ah oo sarbeeb ah.
Dhanka kale qormadaan qormadii ka horeysay waxaan kaga hadalnay calaamadaha ninka naagtiisa jecel. Haddii aadan akhrisan halkaan ka akhriso: Maxaa lagu gartaa ninka xaaskiisa jecel?
Waxaa tahay dhameystirkeyga
Qof markuu si dhab ah qof kale u jecelyahay guud ahaan waa mid dhameystiran. Waa calaamad kamid ah calaamadaha lagu garto jaceylka dhabta ah.
Ma rumeyn karo inaa tahay qofteyda/qofkeyga
Waxaad isbarateen gabar/wiil, waxaad rabtaa inaad u sarbeebto inaad ka heshay. Maxaa yeelay qof aad hadda isbarateen ma dhihi kartid waan ku jeclahay balse waxaa dareen siin kartaa inaad ka heshay oo aad u riyaaqday.
Intaa kadib xiriirkiinu markuu sii qoto dheeraado oo aad is tiraahdo alleylahee waxaad u jeceshahay si dhab ah ku dheh erayadaan muuqaalka ah ee qalbiga dhalaalinayo.
Waxaa tahay qof qurux badan, gudaha iyo banaankaba
Maxaa ula jeedaane? Markaad hadleyso, maba ku dhiiran karo inaan kaa dhex galo hadalka. Maxaa yeelay qalbigaaga quruxda badan ayaan u akhrisanayaa sida buug oo kale.
Dabcan quruxdu ma ahan oo kaliya suurada qurxoon iyo jirka macaan ee aad arkeyso balse qalbigu waa qeyb kamid ah quruxda aanan qofka arki karin.
Qofka markuu hadlo, waxa ka soo baxo erayo kuwaaso laga yaaboo inaad jecleysato. Taasi waxa ay ka turjumeysaa sida uu qofkaasi qalbigiisu u qurux badan yahay.
Qeybtani waxaa aad u xiiseeyo in la dhaho dumarka, sababtoo ah quruxdooda oo kaliya waxaa ku naadiyo kumanaan rag maalin walbaa mana ahan wax ku cusub.
Qish: Halkaan kaga bogo calaamadaha gabadha ku jecel
Had iyo jeer adigaan kuu joogaa
Lamaanahaaga ayaa kaaga baahday caawin, waxa ay kugu tiri/kugu yiri: Waad ku mahadsantahay inaad i caawiso. Ha ku dhihin adigaa mudan ee ku dheh: Had iyo jeer adigaan kuu joogaa.
Qofku wuxuu markaasi dareemayaa inaa tahay qof dhib iyo dheef la qeybsado, waxaana laga yaabaa inaad halkaas sadar qalbigiisa meel fiican kaga degto.
Noloshu waa maalmo wato farxad iyo murugo. Qof walbaa wuxuu rajeeyaa inuu nolosha la wadaago qof markuu faraxsanyahay farxadda la qeybsado, markuu murugeysanyahayna murugada la wadaago.
Adiga ayaa i leh
Guurka ka hor ama guurka kadib, had iyo jeer waxaa jiro cabsi ah „Armuu nolosha kugu cidleeyaa ama ay kugu cidleysaa. Sidaa darteed u balan qaad lamaanahaaga inaad weligaa la joogi doonto si ay cabsidaas uga harto.
Wadnaheyga ayaa kuu garaacmo
Markaad qof si dhab ah u jeclaato misana jaceylku kugu cusub yahay waxaa caado ah garaaca wadnahaaga markaad aragto qofkii aad jecleyd. Markuu lamaanahaaga kaa daremo neeftuur ama xoogaa yara cabsi ah, ku dheh erayadaas.
Waan jeclahay qaabka aad ii farxadgeliso

Jaceyl bilaa farxad ah ma ahan jaceyl. Waxaa dhamo adigoo single iska ahaado. Lamaanaha qaar waxa ay ku fikiraan siduu qofba qofka kale u farxadgelin lahaa una soo jiidan lahaa qalbigiisa.
Tusaale markuu lamaanahaaga ku dhaho erayo ku farxadgelinayo ama uu keeno hadiyado qalbigaaga soo jiidanayo, adeegso erayo ka turjumayo farxadaada.
Ha u dhihin toos waan ku jeclahay! Hana iloobin inaad uga mahadceliso, maxaa yeelay mahadcelintu waxa ay qofka ku dhiiro gelisaa sii wadida wanaagiisa.
Waxaa tahay saaxibka nafteyda
Ku dheh: Weligeey ma geeraarin laakin maanta waan geeraarayaa. Qof naftiisa kaa jecel, nuurkiisu aad tahay, nabar looma geystee, naftaada loo hibeeyaa, waana loo nuglaadaa. Dareensii inaad naftaada u hibeysay oo aysan jirin saaxib kale oo ay naftaadu leedahay.
Waxaa tahay malab ku jiro shaaxeyga
Yaah Yaah? Markii lagu yiraahdo, u raaci erayadaan: Soodkaaga macaan, sunniyahaaga kala rogan, saadirkii ku uumaa, qurux kugu saleeyee, asal dhalad inaa tahay, maantaan qirayaa.
Dumarka aad ayeey uga helaan in loo geeraaro iyo in ay maqlaan erayo cusub gaar ahaan kuwo layaab leh. Sidaa darteed ka yaabso oo hala qabsato in aad la kaftanto.
Qiso cajiib ah dhex martay hooyo iyo wiilkeeda
Dhamaad
Waxaan rajeyn inaad ka heshay! Haddii aad jeceshahay waxaad nala wadaagi kartaa aragtidaaada iyo su’aalahaaga. Waxaana sidoo kale la wadaagi kartaa asxaabtaada. Si fudud u riix calaamadaha Socidal Mediyaha halkaan hoose kaaga muuqdo midka aad rabto inaad qofka kugula wadaagto.
Waad ku mahadsantahay booqashadaada iyo taageeradaada! Faafi Farxada, farxadu waa la faafiyaa.
Qoraa: Mustafa Mmj