Waa maxay sababta ay dadku ii yiraahdaan warqaad badanaa? Maxaanse ku doorbiday in aan wararka kala gudbiyo sida website yada Caasimada, Dayniile iyo Warqaad wararka maanta.
Alla warqaad badanaa ninku
Sababta ay dadku iigu yeeraan warqaad badanaa ninku: Qof walbo aduunkaan ku nool Alle wax buu ku saliday wax uun. Ma ihi qof xun mana umaleeyo in aan ahay, balse cilad ayaa jirto., wax kale ma ahan ee waxaan ahay qof warqaad badan, waxaan xiiseysaa kala gudbinta wararka, mana jecli in aan lamaanaha kulan siiyo sida website ka Cishqi. Ilaah amarkii dadka waxa ay igu xantaan in aan dadka ka daba shaqeeyo, taasina anigu waxba uma arko, maxaa yeelay hobigeyga ayaa ah in aan dadka is jecel ka daba shaqeeyo, misana igu yaraahdaan Alla warqaad badanaa ninku?
Erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh A-Z Qeybtii 1-aad
Hadii aan isku dirana waxa aan aad ugu farxaa sida qiyaamadeeyda ay u shaqeeysay, beentana aad ayaan u jeclahay maxaa yeeley waxaan ku sameeystaa sheekooyin been abuur ah oo aan dadka iskaga hor geeyo. Yaa igu caawiyo in aan noqdo warqaad oo aan dadka isku diro?
Saxiibadeey oo kala ah Mashiidiyo iyo Suqurji iyo Xaasid oo labada ku nool caasimada Somalia ee Muqdisho. Asxaabteeyda haweenkana ee wararka maanta ii soo gudbiyo waxa ay kala yihiin, soo dhaga dhageeyso , iyo i soo tabiso, af hayeenkeena waa firdhiye oo seeyro magaalooyinka dacaladooda.
Mararka qaar asxaabteeyda aan wada shaqeysano ayaan isku dhacnaa oo aan been ka abuurtaa sidaas darteed ayeey magacaan iigu bixiyeen oo ah Cali Aqal Gube. Ma fahansanid weli, sababta aan warqaad u ahay, oo aan wararka u kala qaado, Ma ihi sida website yada warqaad News iyo Caasimada com dh ee waxaan ahay uun qof warka iska jecel.
Dumarka Biyaha Iska Keena Iyo Dhibaatada Siigada
Hadda waxaa laga yaabaa in aad is tiraahdo ninkaan warqaad badanaa, muxuu isku amaani waayey oo sidaan iskaga hadlayaa? Miyuu waalan yahay mise wuu daroogeeysanyahay? Maya maya. Labadaba ma ihi taam ayaan ahay ee waa hobigeeyga in aan warqaad noqdo, oo aan wararka kala firdhiyo, sida dadka qaar aay u xiiseeyaan isboortiga, aflaanta, ciyaaraha, kaftanka. Aniga waxaan ka helaaa sidaan iyo si la mid ah waxaan leeyahay Warqaad news ah oo aan uga waramo dadka aan kala geeyey iyo sida fog aan isku nacsiiyey.
Hadaan aan mid ka mid ah idiin sheego Firdhiye oo aan been ka abuurey asagoo iigu booteeyey haddii aan imaado xaafada isku raran buuq badan in uu goobada ii toosin doono, balse aniga goobo ma lihi nin toosan ayaan ahay ee asaga ayaa sidaas igu yiri.
Ninka Xaaskiisa Neceb Waa Nin Calaamadahaan Leh
Waxaan kaloon, been ka abuurtey ii so Tabiso. waxaan qoorta isku galieyey ii soo Tabiso iyo Firdhiye, hadda Firdhiye ayaa kalarka looga dhagay asagoo iska tuug tuugay, anigoo warqaad ahna waxaan diyaar u ahay in aan markale warka idinla socodsiiyo.
Galmada Habeenka Koowaad Waa Habeen Cajiib Ah
Sida ay Tabiso wax u qarbuday, ayaan warqaad wararka maanta idin kula wadaagi doono. La soco qeybta kale oo noqon doonto mid aad u xiiso badan. Kor waxaan ku xusay in aan ahay warqaad, ha ila yaabin waa caadadeyda, sida aad warka u jeceshahay ayaan anna wararka u kala gudbiye, goob walbaana waxaan u diraa goobjooge.
Weli war baan soo wadaa ee la soco.