Waxyaabaha Guska Adkeeya Haddii Uu Kaa Jilcay

Maxaa adkeeya guska raga, waa kuwee cuntooyinka xoojiya raganimada, baro waxyaabaha guska adkeeya haddii uu guska kaa jilcay, maqaalakani waxa uu kaa saacidi doonaa in aad awood u yeelato adkeynta guska si fudud.

Sidoo kale haddii aad guurdoon tahay oo aad rajeyneyso in aad mar dhaw guursato, adigana qormadaan weey ku anfacayaa ee baro waxyaabaha guska adkeeya, si baahalkaaga uu u yeesho awood laba jibaaran. Xusuusnow dumarka aad ayeey u jecelyihiin guska adag, qaasatan midka qandaca ah ee kulul.

Waxaan isku arkay galmo yari joogto ah, ma dareemayo wax kacsi ah ee dhalinyarooy guska maxaa adkeeya? Ma jiraan cuntooyin xoojiya guska? Haddeeyse jiraane maxaa kamdi ah? Waxaan dareemayaa in uu  guska uu iga yara jilcay, mar walbaa oo aan xaaskeyga u tago, baahalka ii kici maayo, iyadana waa xaas dareen badan oo aanan aqoonin raaxada aan jecelahay, ma sugi karto inta uu ka kacayo guskeyga. inkastoo ay waqti badan siiso kicinta dareenkeyga, hadana ma ahan wax qurux badan. Intaas waxaa ii sii dheer in biyaha ay ciyow iga imaanayaan ee saaxibadeyda bahda Cishqi, ma iga caawin kartaan waxyaabaha guska adkeeya iyo cuntooyinka xoojiya guska.

Jawaabta: Haa saaxib, marka hore ku soo dhawoow boggaada. Boggaan waxaan u sameynay in aan ka caawino dhalinyarada Soomaaliyeed kuwooda doonayo in ay horumariyaan noloshooda, uguna faaiideyno inta ay aqoonteenu iyo waayo aranimadeenu tahay. Marka aan u soo ka labaanayo waxyaabaha guska adkeeya, waxaa jiro rag fara badan oo iyana dhibaatadaas qabo, marka uu baahalka jilco waxay leedahay halisteeda. Haddaan u guda galno su’aashaada ku saabsan adkaynta guska, waxaa jiro waxyaabo badan oo adkeeya guska, haddii aad joogteysana aad wax badan iska dareemi doonto insha Allah.

U gaar ah dumarka: Dareenka Raga Maxaa kiciyo – Baro Erayo Jaceyl Oo Dareen leh

Waxyaabaha guska Adkeeya

Marka xigta waxaa muhiim ah in aad ogaato howlgabka kacsiga in ay qof walba oo rag ah noloshiisa mar uun soo marto, waxaa kaloo muhiim ah in aad ogaato in arintaan ku meel gaar u soo marto ragga iyadoo ku xiran xaalada nafsiyadeed ee ay ku jiraan, waxaa lagu qiyaasaa dhibka ugu weyn ee keena arintaan in ay tahay diiqada ama welwelka ama is fahan la’aanta ama isku xumaanashaha lamaanaha kala dhex maro.

U gaar ah dumarka: Sirta Raga: 5 Waxyaabood Oo Ay Nimanka Jecelyihiin

Arintaan oo aad ka sii welweshid waxay adkayn kartaa xaalka iyo in aad arintau aragto wax wayn, taasina way sii daahin kartaa in aad noloshaada caadiga ku soo laabatid. Dad badan ayaa isticmaala kiniino ay ku xoojinayaan ama ku adkeynayaan guska raga ama raganimadooda sida Viagra oo suuq xoogan ku leh dunida marka laga hadlaayo dadka la tacaalaaya cilada hami yaridda, balse keena dhibaatooyin caafimaad oo qofka ku keeni kara dhimasho canuunada uu keeno. Kiniinkani ayaa keeno wadna xanuun, madax xanuun daran iyo dawakhaada akhirkana haddii la joogteeyo wuxuu keena hami yari iyo in uu guska jilco.

Dumarka Raga Ay Jecelyihiin Waa Kuwo 10-Kaan Leh

Hadaba halkaan waxaan idin kugu soo gudbinaynaa cunooyinka xoojiya guska oo ay tahay inaad badsato kuwaasoo ku siinayo awooda raganimadda.

1. Qaaraha wuxuu adkeeya guska raga

Cilmi baaris badan oo la sameeyay ayaa waxaa lagu sheegay  in uu qaraha ama xab xabka uu yahay cuntadda u dhigmi karta kiniinka Viagra, Xabxabku ama qaraha wuxuu qani ku yah ay citrulline maadadaan oo jidhka ka caawiso inuu soo daayo xadi badan oo arginine iyo nitric acid. Nitric acid waxaa la xaqiijiyey in ay qayb ka qaadato in ay kiciso dareenka ninka xoojisana qulqulka dhiiga ee aada xubinta taranka ee ninka.

Wax ka baro taariikhda Dhagaxtuur Somalia

2. Lawska wuxuu adkeeya galmada

Lawska wuxuu ku caan yahay inuu xoojiyo dareenka rabitaan ee ninka, wuxuu qani ku yahay dufanka omega-3 fatty acids iyo vitamin B3 kuwaasoo ka  qayb ka qaata in ay sameeyaan shahwad tayo leh waxayna sidoo kale kordhiyaan qulqulka dhiiga ee aada xubinta taranka ee raga (Guska) isla markaana ka dhiga mid aan la loodin Karin. Haddii aad rabto in aad sii ogaato faaiidada lowska halkaan ka akhriso: Faaiidooyinka lowska iyo Galmada raga

3. Ukunta waxay kaalmeysaa guska raga

Ukunta iyo guska raga, imisa jeer ayaad cuntaa ukunta? maalintii halmar, isbuucii halmar, bishii halmar? Haddii ay jirto cunto wanaagsan oo la cuno, faaiido badanne u leh caafimaadkaaga, ukunta waxa ay noqoneysaa tan ugu sareeyso. Sababtoo ah waa mid aad u fudud karinteeda, weyna qiimo jaban tahay. Intaas waxaa sii dheer ukunta/beedka waxa ay ka mid tahay cunooyinka kaalmaha ah ee xoojiyada ragananimada misana adkeeya guska raga. Sidaa darteed joogteey cunista ukunta fara badan si uu baahalkaaga u adkaado, awoodna aad u yeelato qancinta xaaskaaga.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Translate »