Wiilka ku jecel: 8 kamid ah calaamadaha lagu garto

Mogadishu ( Cishqi ) – Waxaad aragtay wiil ku jecel laakin ma hubtid in ay dhab ka tahay iyo in kale, hadaba sidee u ogaan kartaa wiilka ku jecel? Jawaabta waa mid fudud.

Sidee ku ogaan kartaa wiilka ku jecel, calaamadaha wiilka ku jecel,

Calaamadaha lagu garto wiilka ku jecel waa wax fudud, haddii aad wiilkaasi il gaar ah ku eegto ficiladiiisa.

Haddii aan nahay wiilal markaan gabar jeclaano waxaa sameynaa dhaqdhaqaaqyo badan kuwaasoo aan ku muujineyno rabitaankeena.

Of course wiilasha oo kaliya ma muujiyaan calaamadaha jaceylka ee sidoo kale waxaa muujiyo gabdhaha. Marka ay gabadha wax jeclaato waxaa jiro calaamado lagu garto oo ay kamid yihiin calaamadaha aan halkaan ku diyaarinay: Calaamadaha gabadha wiilka jecel.

Markuu hareerahaaga ku meereysto, waxaa shaki kaa gelayo in uu ku jecelyahay iyo in kale. Si aad taas u xaqiijiso, waxaan halkaan kuugu diyaarinay kuwo kamid ah calaamadaha lagu garto wiilka doonayo in uu nolosha kula qeybsado.

8. Kamid ah Calaamadaha lagu gart wiilka ku jecel ama kaa helo

  1. Wiilka ku jecel wuxuu jecelyahay la joogistaada
  2. Wuxuu xiiseynayaa Adiga iyo noloshaaadaba
  3. Wuu kugu kalsoonyahay
  4. Wuxuu ku weydiinayaa samoqabkaaga
  5. Wuu kaa raali galiyaa qaladkiisa xittaa haddii ay wax yar yihiin
  6. Wuxuu kuu soo diraa fariimo Subax wanaagsan ah
  7. Wiilka ku jecel wuxuu jecelyahay inuu kaa qoslisiiyo
  8. Waxa uu xiiseynayaa waxa aad qorsheyneyso in aad sameyso

1. Wiilka ku jecel wxuxuu jecelyahay la joogistaada

Wuxuu  eegaa indhahahaaga si joogto ah sida in uu kuu xiisay. Mar walbaa uu ku arko wuxuu raadiyaa qiil uu kugula hadlo sida in uu wax ku weydiiyo. Intaasi waxaa sii dheer inuu jecelyahay in uu adiga waqti kula qaato. 

Taaasi mid uun beey cadeyneysaaa. Wuxuu kuu qabaa dareen jaceyl.

2. Wuxuu xiiseynayaa Adiga iyo noloshaaadaba

Wuxuu kaa wareysanayaa waxyaabaha adiga kuu gaarka ah qaasatan kuwa ku saabsan noloshaada

Tusaale: 

  • Hobigaada
  • Waxyaabaha aad jeceshahay
  • Mustaqbalka waxa aad ku hamineyso iwm.

Wuxuuu jecelyahay inuu adiga banaanka kuu raaco laakin adiga waxaad isweydiineysaa muxuu kaa daba doonayaa? Jawaabtu wax kale ma ahan ee wuxuu jecelyahay in aad isbarataan si uu qooto qooto kuugu soo dhawaado.

3. Wuu kugu kalsoon yahay

Wuxuu kuu soo qoraa fariimo si joogto ah, markuu adiga kula joogana wuxuu dareemayaa farxad aanan caadi ahayn, wuxuuna kaaga sheekeeyaa waxyaabo khuseeyo noloshiisa gaarka ah, waayoo wuu kugu kalsoon yahay.

Taasi waa mid kamid ah calaamadaha wiilka ku jecel. Wiilka nuucaas ah aduunku wuu ku yar yahay.

4. Wuxuu ku weydiinayaa samoqabkaaga

Asc, sidee tahay abaayo, iska waran? Ka waran caafimaadkaaga. Su’aalahaasi waa su’aalaha ugu badan ee hadalka lagu bilaabo si qofka loola qabsado.

Waa shukaansiga xeerkiisa koobaad. Laakin waxaa jiro rag taa ka duwan oo adeegsado erayo kale oo murti leh, maxaa yeelay erayadaasi waxaa adeegsado wiil kastaa.

Waxaa laga yaabaa in aad ku aragtay Facebook wiilal fara badan oo kuu soo qorayo fariimo, markaad fiirisana waxaa ugu badan ee ay kuu soo qorayaan waa Asc, iyo Hi, marka laga reebo Mustaf oo kuu soo qorayo erayo ka duwan qaasatan erayo macaan oo qalbigaaga soo jiidanayo.

Qish: baro sida loo dhaho wiilka waan ku jeclahay

wiilka waan ku jeclahay

5. Wuu kaa raali galiyaa qaladkiisa xittaa haddii ay wax yar yihiin

Wuu kula kaftamay laakin kaftankiisa waxaad u fahantay qalad. Wiilka ku jecel waa mid kaa raali galiyo si dhaqso ah, maxaa yeelay waxaa u tahay qof muhiim ah mana rabo inuu adiga kaa dheeraado.

6. Wuxuu kuu soo diraa fariimo Subax wanaagsan ah

Waad soo kacday, kadibna waxaad fiirisay telkaaga. Fariinta ugu horeyso waa isaga oo ku leh:

Subax wanaagsan gabadha sanadka! Subaxdeydu waxaad moodaa in ay maran tahay Adiga la’aantaa. Kuu xiisay! Erayadaas iyo erayo lamid ah.

Wiilka ku jecel wuxuu intaasi u sameynayo ayaa ah in uu kuu mujiyo in aad ugu jirto noloshiisa booska koobaad, taas oo ka dhigan in uu doonayo in uu nolosha Adiga kula qaaato.

Qish: Sidoo kale halkaan waxaan kuugu diyaarinay sida aad ku ogaan karto ninka ku jecel marka aad xaas noqoto

7. Wiilka ku jecel wuxuu jecelyahay inuu kaa qosli siiyo

Ma jiraan wax ka qurux badan in aad heysato qof kaa qoslisiiyo, maalintaada ka dhigo maalin farxad badan.

Dabcan wiilka ku jecel waa mid kuu soo diro sawiro qosol leh, smileys ama fariimo kuwaasoo rabo in uu adiga kaaga qoslisiiyo.

8. Waxa uu xiiseynayaa waxa aad qorsheyneyso in aad sameyso

Haddii aad arato asigoo ku weydiinayo maalmaha aad firaaqada leedahay, rajeynayaa inn uu Adiga waqti kula qaato. Taasi waa fursad qaali ah oo ay tahay in aadan iska beel dareyn.

Xusuusnow oraahda Soomaaliyeed ee oraneyso:

Geeso lo’aad kuleylkaa lagu goooyaa.

Marnaba dib ha u dhigin, raaac waxa uu qalbigaaga ku oranayo.

Ugu dambeys calaamadaha lagu garto wiilka ku jecel

Xusuunow: wiilka ku jecel had iyo jeer waa mid ka duwan wiilasha kale, sidaa darteed ha iska indho tirin rabitaankiisa.

Qalbigu wuxuu ku nagaadaa halkuu naawilaayee, kuma nagaado meel aan naxariisi Oolin.

Waxaan rajeyneynaa in aad ka heshay qormadeena oo ay wax badan kaa caawisay.

La wadaag asxaabtaada oo faafi, adigoo gujinayo calaamadaha Social mediyaha halkaan hoose kaaga muuqanayo.

Waad ku mahadsantahay in aad na soo booqatay!

Boggaada – Cishqi.com

Qoraa: Mustafa Mmj

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Translate »