Erayga xijaab, hijab ama xijaabka waa eray qurux badan, dumarka xirtaana sida Halima Aden waa dumar ka tilmaaman dumarka kale, ma ahan dumar fashion ah oo kaliya ee sidoo kale dumar leh tilmaamaha soo socdo.
Xijaabka ma ahan kaliya quruxda dumarka Soomaaliyeed ee sidoo kale xijaabka waa quruxda gadbahaha Muslimiinta ah, waxa uuna dumarka ka dhigaaa dumar aan caadi ahayn.

Xijaabka Iyo Quruxda Dumarka
Erayga xijaabka ama xijaab waa eray qurux badan, dumarka xirtaana waa dumar ka tilmaaman dumarka kale. Dumarka xijaabka ku labisto ma ahan dumar fashion ah oo kaliya ee sidoo kale waa dumar wax badan dheer dumarka kale.
Mid kamid ah Dumarka Soomaaliyeed ayaa waxa ay tiri: Mar kastaa oo ay arkaan anigoo xiran xijaabka, waxa ay ii aqoonsadaan in aan ahay gabar Muslimad ah iyo adoontii ALLE SCW.
Maxaa ka qurux badan xirashada xijaabka? Jawaabta macquulka ah: Waxna.
Inta aan uguda galin qormadeena ku saabsan xijaabka iyo quruxda dumarka 2022, hadaba marka hore aan qeexno erayga xijaab ama xijaabka.
Waa maxay xijaabka?
Haddii aan qeexno erayga xijaab ama xijaabka, waa eray af carabi ah oo macnaheedu yahay asturnaan. Haddii aan si kale u iraahdo waa weedh ka soo jeedo afka Quraanka uu ku soo dagay ee af Carabiga ah. Haddii erayga la sii fasiro waxa uu luuqad ahaan noqonayaa:
Awdiid
Qarin
Diidid
Teed iwm
Xijaabka waa awdiid, tusaale qofka in uu wax awdo ama uu wax qariyo. In dumarka ay ka qariyaan jirkooda rag ka baxsan qoyskooda. Xijaabka oo sidoo kale loo yaqaano jilbaab waa maro dabacsan oo ka sameysan dun, cudbi ama harag. Kaasi oo la tolay, looguna tallo-galay in ay dumarka xirtaan si ay u asturaan xubnaha jirkooda.
Jilbaabku waxa uu kamid yahay dharka khaaska u ah dumarka. Xijaabka ama jilbaabku waxa uu caan ka yahay dunida islaamka, taasi oo dumarka u xirtaaan astaan diin ahaaneed. Meelaha qaar sida gobolka bariga dhexe iyo deegaanada kale ee dadka carabta ah waxaa caan ka ah xirashada xijaabka oo loo isticmaalo dhar ahaan.
Dharka xijaabka waxaa laga sameeyaa dun ka timaada haraga xoolaha, xayawaanka iyo cudbiga iyo noocyo aartifishal ah. Marka dharka la sameynayo waxaa la isticmaalaa haaba badan oo kala duwan, waxaana ugu caansan tolida, mareegida iyo isku xirxirka dunta.

Qiso dhab ah oo ku saabsan xijaabka
Mahinur Ozdemir waa gabar u dhalatay dalka Beljimka balse asalkeedu yahey Turkey. Waxa ay ku hadashaa Luqado badan, waxa ayna ku guuleysatey, kursi kamid ah Baarlamaanka Bulgium ak laakiin waa laga hor istaagey, in ay dhaarato, ilaa ay xijaabka dhigto.
Way diidey, iyadoo ku andacootey in la doorto iyado xijaaban, iyadoo xijaabanna xisbigeedu soo sharaxey.
Aakhirkii waxa lakala dooransiiyey, in xijaabkeeda barakeysato, iyo in Baarlamaanka ka tagto.
Mahinur Ozdemir waxa ay door biday, in ay xijaabka dugsato! Intaa sheekada gabadha turkida ah kuma ekaan ee waxa ay sheekadu gaartay Madaxweynaha Turkiga Mudana Rajab Dayib Erdogan. Isla markiiba waxa uu Mahinur Ozdemir u magacaabey, safiirka Turkiga ee u jooga Beljimka.
Waxa soo galey arinkii Boqorka Biljimka isagoo ka codsadey gabadhaasi in Baarlamaanka kuso laabato.
Wey diidey waxa axyna doorbidey safiirnimadda Turkey.
Hadaba Marnaba Hadhaafsan diintaada Wax kale, xijaabka ma ahan wax la isku qasbo ee waa ALLE ka cabsi, waa rabitaanka shaqsiyadeed.
Qish, halkaan waxaan ku diyaarinay: Sheeko jaceyl ah oo macaan misana dhab ah
Xikmad xijaabka maanta
Gabar baa waxa ay soo iibsatay teleefan qaali ah, aabbaheed baa ku arkay taleefankii markaa buu ku yiri,
“Aabbo markaad taleefanka soo iibsatay wixii ugu horreeyay ee aad samaysay maxay ahaayeen?”
Gabadhii baa ku tiri, “Waxaan soo galiyay qolof (cover) sarre oo taleefanka difaac u noqonaya, kana ilaalinaya in uu jabo.
Aabbihii, “Cid kugu qasabtay miyaa jirta in aad sidaa samayso?
Gabadhii, “Maya, layguma qasbin, laakiin aniga ayay i anfacaysaa in aan sidaa sameeyo si taleefankaygu u nabad galo.
Aabbihii, “Ma kula tahay in aad ceebaysay shirkaddii taleefanka soo saartay?
Gabadhii, “Maya aabbo, shirkaddu ayadaaba nagula talinaysa in aan taleefanka qolof sarre galino, si uusan taleefanka nooga jabin.
Aabbihii, “Waa tahay, qolofku, miyuu qiima tirayaa taleefanka?
Gabadhii, “Maya aabbo, difaac ayuuba u yahay taleefanka, in uu jabo ama garaafo soo gaarto buu ka ilaalinayaa, ileen haduu garaafoobo waa qiima beelayaaye!
Aabbihii, “Miyuu foolxumo u kordhiyay qolofkaasi taleefanka?
Gabadhii, “Aragtidayda maya qurux mooyee fool xumo uma soo kordhinaayo.
Intuu si dhimrin leh u soo eegay buu ku yiri, “Aabbo macaane xijaabkuna waa sidaa oo kale ee ku dhagnoow had iyo gooraalaba!!!
Qish, halkaan waxaan ku diyaarinay: Erayo xikmad leh oo ku anfacayo
Faaidooyinka Xijabka

Xijaabku wa Amar Allah Haddii aad xiratidna waxad fulineysa amarkii ALLE . Allah SWT waxa Uu ugu jecelyahey Adoomadiisa kan awaamirta uu Farey Fuliya.
Kuwa xijaaban waxa ay ilaaliyeen sharaftood, Allahna markuu waajibiyey xijaabka wuxuu yiri
“Iney xijaabka qaatan ayaa u dhow in la garto in ay dhowrson yihiin”
Mar walbo xijaabka aad xirantahay qalbigaaga ayaa nadiif noqonoya.
Xijaabku Sheyadaanka ayuu teed ka yahey oo sheydaanku uma soo dhaafayo inta ay xijaabantahey waayo ilaalin ALLAH ayey Ku sugantahey.
.Xishoodkeda ayuu ilaalinaya oo gabadha xijaabata waa mid xishood badan
Waxa Uu kaa ilaalinaya Sinada iyo macaasida Sababto ah waa asturaad uu Alle Ku galladeystey dumarka.
Hadaba sabab aad xijaabka uga tagtaa majirtee aan wada Huwano
Xijaabka dumarka waa muujin
In gabadhu ay muujiso diinteeda, asturnaanteeda waa qeyb kamdi ah quruxda xijaabka dumarka. Waa cadeynta in qofta xijaaban ay tahay adoon ALLE misana amarkiisa qaadatay.
Sidaa darteed muuji maanta diintaada oo xiro xijaabka dumarka.
Dumarka iyo Halima Aden Hijab

Si cajiib ah waxaa waayahaan u soo koraya warshaddaha sameeyo dharka xijaabka ee astaanta u ah ummadda muslimka ah, gaar ahaan dumarka. Halima Aden oo ah gabar Somaali American ah, ayaa noqotay gabadhii ugu horeysay ee xirato xijaabka oo fashion ah kuna tartanta quruxda gabdhaha Maraykanka 2016kii.
Halima Aden waxa ay cagta ku dhufatay dhowr soohimood oo lagu hakinayay gabdhaha muslimka ah. Halima Aden waxaa loo doortay boqoradda dugsigeedii, ayadoo xiran xijaab, taas oo ka dhigtay gabadhii ugu horeysay ee muslim ah oo jagadaas qabata.
Gabadha Soomaaliyeed ee caanka ku noqotay xirashada dharka xijaabka gaar ahaan xijaabka fashion intaasi kuma ekaanin sheedadeedii, ee waxa ay sidoo kale ka qeyb gashay tartanka quruxda gabdhaha gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, ayadoo 19 jir ah.
Maareyaha – Miss Minnesota USA – Denise Wallace, ayaa sheegay in ay Halima ay taleefoon kula soo xiriirtay iyadoo leh, “waxaan rabaa in aan ku tartamo anigoo xiran-xijaabka.” Intaas wuxuu raaciyay, in uu xusuusto in uu yiri “Wow qurux badanaa, markii uu sawirkeedii soo baxay,” (VOA – Abril 29, 2019).
Asturnaanta iyo xirashada xijaabka Halima, ayaa si dhab ah u soo jiidatay dareenka dadka Maraykanka iyo kuwa dunidda kaleba. Taas, waxa ay u saamaxday in ay noqoto gabadhii ugu horeysa ee xiran xijaabka oo heshiis la gasho shirkad caalami ah “IMG models.”
Maanta munaasabaadka caalamka oo dhan ayaa lagu soo bandhigaa naqshado dhar, oo aan hore dhaqan uga ahayn quruxda gabdhaha reer galbeedka iyo kuwa bariga shishe.
Majaladdaha astaanta u ah xayeysiiya quruxda haweenka, sida Allure, British Vogue iyo Glamour, ayaa dhammaantood ku soo wada bandhigay bogaggooda Xaliima iyo gabdho kale oo xiran xijaabka quruxda badan ee muslimiinta.
Intaas waxaa dheer in wargeyska “Sports Illustrated Swimsuit Issue” oo muujiya quruxda hawenka xiran dharka dabbaasha ee loo yaqaano“bikini” ayaa markii ugu horeysay taariikhda soo bandhigay gabadh aan xirneen bikini, balse wadata “burkiini iyo xijaab,” oo ah habka diinta muslimku ay doorbidayso.
Xijaabka oo ah mid ka mid ah calaamaadaha ugu caansan dhaqanka Muslimka, ayaa u socdo in uu ka mid noqodo labiska warbaahinta iyo shirkaddaha xayeysiinta ay suuqyada caalamka u soo bandhigaan.
Wareysi Halima Aden ay siisay idaacadda CBS ayay ku sheegtay in ay si gaar ah ula gorgortanto shirkaddaha ay heshiiska la geleyso. Intaas waxa ay sii raacisay in kuwa masawiraya ay sidoo kale la socdaan “shuruudaheeda asturaada,” (CBS – Abril 29, 2019).
Halima ayaa tiri “waxaa muhiim ah in la xasuusto in xirashada xijaabka ay tahay dooq shakhsi ah ee dumarka. Mana ka dhigi karto muslimka mid ka fiican amase ka xun dumarka kale.
Halima Aden oo gabar muslimad ah, islamarkaana iyada oo xijaaban dharka xayeysiiso ayaa sheegtay in ay dib uga joogsanayso, howshii ay ku jirtay, isla markaana ay gabi ahaanba joojisay bandhiggii dadka hortiisa ay ku soo mari jirtay, iyadoo xijaabka xiran. Halima ayaa sheegtay in ay darentay cadaadis keenay inay ka tanaasusho waxyaabihii diinta la xiriiray ee ay aaminsanayd.

Shuruudaha xijaabka
Markaan waxaan dooneynaa in gabdhaha Soomaaliyeed la wadaagno Shuruudaha Xijaabka ee lagu waajibiyay gabadha Muslimada ah. Dabcan sida aan wada ogsoonahay gabadhaha qaar weey oofiyaan, halka kuwa qaarna ay iska indho tiraan. Hadaba shuruudaha xijaabka waxaa kamid ah.
Mark hore ALLAH SW ayaa mahad leh, Nabid Muxammad nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato intaa ka dib.
Walaal ama hooyo waxaan jeclaan lahaa in aan idin xasuusiyo aniga oo ka bilaabaya Nafsadayda in Xijaabka uu nagu yahay waajib, ALLAHNA uu Naga Raali noqonayo hadii Aan Qaadano Xijaabka.
Walaalayaal waxaa dhacda in walaalaha qaar ay u heystaan in cabaayad iyo khimaar qura oo la xirtaa ay ku filan yihiin in ay xijaab sharci ah u noqdaan gabadha muslimadda ah.
Haddaba walaalayaal ogsoonaada in cabaayad iyo khimaar aysan ku filnayn in ay xijaab u noqdaan gabadha muslimadda ah.
Xijaabka sharciga ah waa kii laga helo 8-daan shuruud ee hoos ku qoran:
1. Xijabka waa in uu Jirka oo dhan qariyaa:
Taas macnaheedu waxa ay tahay in haweenta muslimadda ah jirkeeda oo dhan ku dedaa jilbaab. Akhri aayadda 59 ee suuratul Axsaab oo oraneysa “Nabiyow ku dheh haweenkaaga ,gabdhahaaga iyo haweenka mu’miniinta ah in ay korkooda ku dadaan shukadiinna ama jilbaabkiinnaba”.
2. Inuusan xijaabka naftiisu noqon qurux:
Maxaa yeelay haweenta muslimadda ah waa iney qarisaa ‘quruxdeeda, haddii uu xijaabka noqdo mid dadka soo jidanaya, quruxna ka muuqato ma banaana in la xirto.
3. Inuu xijaabka noqdo mid adag:
Haddii u yahay maro khafiif ah sida dirica oo mujinaya haweenta jirkeeda kaafi ma aha. Nabiga nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee wuxuu xadiis saxiis ah noogu sheegay ” In ay soo bixi doonaan haween labisan haddana qaawan, madaxyadoodana aad moodid kuruska awrta oo kale, kuwaas jannada geli maayaan, mana urinayaan, nacaladda ALLENA waa ku dhaceysaa”.
Culumada waxay ku fasireen xadiiskaan in loola jeedo haweenta qaadata dharka khafiifka ah oo looga jeedo jirkeeda iyo quruxdeeda, marmarka qarkoodna la arki karo cawradeeda.
Haweenka sidaas oo kale u labista ILLAAHAY haka baqaan oo si fiican korkooda ha u asturaan.
4. Inuu noqdo xijaabka mid waasic ah:
Oo aan ku dheganeyn jirka haweenta.Haddii maradu ku dhegan tahay jirka oo xubnaha la tilmaami karo, xijaab maaha sida haweenta surwaal jinis ah oo ku dhegan labisan.
Qofka labisan dhar aad ugu dheggan waxaa khatar ku jirta in salaaddiisa la aqbalo, maxaa yeelay salaadda shuruuddeeda waxaa ka mid ah cawrada la asturo.
5. Inuunsan xijabka noqon mid la carfiyey ama la bukhuuriyey
“Macnuhu waxaa weeye in ay xaaraan ka tahay haweenta muslimka ah in ay dibadda gurigeeda ugu soo baxdo dhar carfayo ama iney iyaduba barafuun isku soo shubto.
Xadiis saxiix ah nabigu nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato, wuxuu ku sheegay “Haweeney walba oo isa soo carfisa, isa soo bukhuurisa ama barafuun isa soo marisa kadib ay soo ag marto rag, raggaana ay carafkeeda ay uriyaan. Nabigu SCW wuxuu haweentaas ku tilmaamay ina ay zaaniyad tahay”.
Waxaa xusuusin mudan in ay xaaraan tahay in haweentu isa soo carfiso markay suuqa ama masaajidka soo aadayso.
Haweenta muslimadda ahi waa in ay isku qurxisaa ninkeeda iyo gurigeeda dhexdiisa. Kadibna ninka uu ku dhahaa xaaskiisa: Erayo macaan oo nuucaan ah
6. Inuusan dharka haweeku u ekaan kan ragga:
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee wuxuu nacaladay ninka sida haweenka u labista iyo haweenta sida ragga u labisato,Haweenka dhar lagu yaqaan baa jira ,qolo walba sidii loogu talagaley ha u labistaan.
7. Inuusan xijaabka u ekaan dharka haweenka gaalada oo kale
Sida la ogsoon yahay islaamku
wuxuu ku dhisan yahay in gaalada la khilaafo dhinac walba Nabigu wuxuun yiri “Qofkii Dad isu ekeysiiya iyaga ayuu ka mid yahay !.Haweenta muslimadda ah waa in ay u mooqataa haweeney muslimad ah mar walba.
8.Inuusan noqon xijaabka dhar shuhro ah
Micnihu waxaa weeye inaan xijaabka loola qasdin inuu dadka dhexdooda caan ka noqdo oo lagu faano, waxaa shuhro noqon kara in la xirto dhar aad u liita iyadoo loola jeedo is tutusid iyo ha lagaa sheego.
Waxaan ku waaninayaa aniga iyo walaasheyda Islaamka ah in Aan ALLAH Ka cabsano, Haduu Xijaabkaada waafaqay Shuruudaan Kor Ku Qoran waad Liibaantay Hadii Kale Miyaa U toobad keen Allaah Hadana
Qaado Xijaabka.
Fiiro gaar ah
Xusuusnow xijaabka waa quruxda gabdhaha Walaasha Muslimada ah waxad iska Halmaamtaa fakarka ah Xijaabka waa Qalbiga Mise wax walbo waa niyada ,ogaawna Xijaabka waxuu ka mid yahay Awaaminta Allaah Qofkii Amarka Allaahna fuliyo Ayaana Liibaanay Aduun iyo Aakhiraba
sawirada xaga sare saaran kuma haboona
hijaabku waa inuu qariyaa gabdha jirkeeda oo dhan mrka laga reebo in yar
mana aha inuu ahaaado mid soo saarayo gabdha jirkeeda