Hargeysa (Cishqi) – Akhriso xikmadaha Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil kuwooda cajiibka ah 2021, Sheekh Mustafe waxa uu kamid yahay wadaadada Soomaaliyeed kuwood ugu xikmada badan, isagoo ka hadlayo xikmado badan gaar ahaan xikmadaha ku saabsan waqtiga, rajada iyo guusha waxa uu yiri xikmadaha soo socdo.
Sheekh Mustafe waxa uu sidoo kale dhalinyarada la wadaagay xikmado kale gaar ahaan kuwooda waxbarashada ah.
Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil
Hadaba waxaan jecleysanay maanta in aynu kula wadaagno kuwo kamid ah xikmadaha Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil kuwooda xulka ah oo qoraal ah.
Qish, waxaa sidoo kale halkaan kuugu diyaarinay sheekooyin cajiib ah gaar ahaan kuwooda xikmadaha leh. Haddii aad xiiseyneyso sheekooyin qosol badan halkaan riix: Sheekooyin qosol badan oo xul ah
Xikmadaha Sheekh Mustafe 2021
1. ” Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay markuu Rabbigiina yaqaano , Aakhirana yaqano addunkana uu isbedel ka samayn karo”.
2. ” Dhalasho wacan markaan leenahay taas macnaheedu waa sanad baan xabaasha u dhawaaday taasi ma wax lagu farxa”.
3. ” Inaad noqoto qof hami leh, han leh, hiigsi leh, oo hiraal u muuqdo waa lagama marmaan”.
4. ” Dunida dadka isdila iyaga ugu badan reer galbeedku, meeday barwaaqaada ay sheegaayaan ” ?
Erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh
5. ” Dadka kuwa ugu hantida badan Aya ah kuwa ugu hurdada yar “.
6. ” Dad baa dibadda ka qurux badan, guriga markay soo galaana bahal ah , qofka aad nolosha isku darsateen iyo caruurtaad dhashay inaad ku xumaato, dibadana nin fiican oo laga yaqano hebel la yiraahdo noqotid wax fiican ma aha”.
7. ” Aqoonyahanku haduu noqdo qof la iibsan karo suldanadu iiibsan karto, dawladuhuna laaluushi karaan, kaasi aqoonyahan ma aha “.
Qish 2-aad, halkaan ka akhriso: Taariikha guud ee Dhagaxtuur
8.” Gool baa la dhaliyeey maxay noloshaada ku soo kordhisay. “
9. ” In Hooyo la noqdaa waxay ka Qurux badan tahay inaad noqoto injineerad “.
10. ” Nin walba qabiilkiisa inta la dulmiyay buu ogyahay, laakiin se ma oga intay dulmiyeen ee aay Aakhiro u direen “.
11. ” Quraanka haddii aad akhrido, qof Rabigii u waramaayo ayaad tahay bal qiyaas Rabigaa oo kula hadlaaya oo ku waramaaya “.
12. ” Hadday jannadu tahay meesha qofka loogu nimceenayo, caddabtuna ay tahay meesha qofka lagu ciqaabayo, Addunyaduna waxay tahay meesha qura ee laysku imtixaamayo “.
13. ” Ilmaha inaad Guri uga tagto waxa ka qiimo badan inaad Diin uga tagto, inaad dhaqaalo u samayso waxa uga qiimo badan inaad isaga qof ka dhigto jira oo nool oo Muslim ah. Haddii uu qof Muslim ah noqdo oo Naftiisa ku kalsoon meel uu seexdo iyo wax uu cuno isagaa raadsanaayo “.
14. ” Jaamacad baan ka baxay, shahaadaan qaatay, shaqo fiican baan helay war waad tagaysaaye waxaas oo dhan waa maalmo, maalin ama maalin badhkeed ayay nolosha oo dhan kula noqon marka qiyamaha lagu weeydiyo, oo nolosha ma maalin badhkeed bad dooratay marka “.
15. “In xaafad kasta laga dhiso toddoba Masaajid oo aan qaar-kood cidi ku tukan waxaa dhaanta adoo dhisa wado dadku maro, oo ka gaadhiga wata aanu gaadhigu kaga jabin ka maskiinka ah ee lugaynaayana aanu ku dhibtoon.
Baro sida loo dhaho lamaanahaaga waan ku jeclahay
16 “Islaamnimada wax mucaarad la yidhaahdaa kuma jirto, Islaamnimada waxa ku jira xaq iyo baadil, wixii xaq ah in aad taageertaa waa waajib wixii baadil ahna in aad ka soo horjeesataa waa waajib
Daawo xikmadaha Sheekh Mustafe iyo dhiirigalinta dhalinyarada
La soco xikmado kale oo xul ah qaasatan xikmadaha Sheekh Mustafe kuwooda dhiirigalinta leh.