Nayroobi (Cishqi) – Xushmad jaceyl oo ah maqaal aad u cajiib ah, waa maqaal sito erayo sarbeeb ah oo jaceyl ah, intaa waxaa sii dheer sheeko jaceyl ah oo qalbiga ka dageyso.
Maqaalkani xushmad jaceyl waxaa ka horeeyay maqaalo kale oo aad u qiimo badan kuwaasoo soo jiitay dareenka akhristayaasha ku xiran boggeena Cishqi. Maqaaladaasi hadaan qeyb ka faahfaahino waxaa kamid ah sheeko jaceyl iyo erayo kale oo sarbeeb ah kuwaasoo qalbiga soo jiidanayo, haddii aad rabto in aad akhrisato maqaaladaas halkaan guji: erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh
Xushmad jaceyl qeybtii koowaad
Saaxibayaal waxaan idinka codsanayaa in aad inoo soo diyaarisaan maqaal ku saabsan xushmad jaceyl qasatan kuwo wato erayo xushmad iyo murti leh. Hadaba akhriste aan kula wadaagno xushmad jaceyl qeybtii koowaad.
Waxaa laga yaaba inaad dareento qof inuusan ku qiimayn laakin ogsoonow markasta inaad qof kale u tahay qof muhiim ah oo aad u qaali ah.
Waxaa jiro shan kelmadood oo muhiim u ah nolosha. 1. Caqiido, 2. Jaceyl, 3. Daacadnimo, 4. Aaminaad, 5. xushmad. Haddii ay noloshaada ka maqan yihiin ku dhaqanka kalmadahaan, wax badan baa kuu dhiman.
Dhexdeena jaceylka yaal, haddeey dhayal moodayaan, dhab dhab ma u yara tusnaa? Daraadeen dhowr habeen hay nala dheelaan farxadee, xaflado ma u yara dhignaa? Inaan nahay laba dhigood, dhammaan iska jecel naflaha, tolow ma u dhaaranaa?
Jaceylku waa waxa ugu quruxda badan ee la heysto, waa waxa ugu adag ee la kasbado waana waxa ugu xanuunka badan ee la waayo.
Ma ogtahay inta aad garabkeyga joogtid in ay iila mid tahay anigoo la isiiyay inta farxad taalo aduunka, taasoo macnaheedu tahay in aysan jirin farxad kale oo iga maqan. Waxaan kuu hayaa xushmad jaceyl.
Waxaa jiro dad haddii aad qalbiga ka jabiso ama waxaysan rabin aad ku sameyso, hadana weli sidii kuugu faraxsan, qofkaasi si niyad ah ayuu kuu jecelyahay! Waana dadka kaaga baahan inaad xaq dhowrto.
Ma jirto cid mar kasta mashquul ah kaliya waxay ku xiran tahay muhiimada liiska aad qofkaas ugu jirto, marka haddii dhowr jeer lagu yiraahdo “Waxaan ahay mashquul”. waa inaad iska fahantaa.
Si fiican ii dhageyso, maanta wixii laga bilaabo mar kale isma arki doono, maxaa yeelay wey i damqineysaa. Sida aad hadda dareemeyso waxba igama gelin, maxaa yeelay inta aan kaa arkay ayaa iga badan. Ogolow sida ay hadda tahay, waxaan ku siiyay waqti kugu filan, mana ii cuntameyso inaad mar kale dib ii soo ceshato, waad ka xun tahay, laakin anigu waxaa ii tahay wax tegay oo aan soo noqod lahayn. Maya maya fursad kale kuma siin karo, kaama daba ordi karo mar kale, intii aan ku daba socon karay waan ku daba socday, maanta wixii laga bilaabose kuuma hayo wax xushmad jaceyl ah.
Maanta wey adag tahay, beri wey ka sii adkaan laakin maalinta beri ka danbeyda wey qurxoonaan ee ha quusan. Xushmee jaceylka.
Dhab ahaantii erayo kuma qeexi karo muhiimada aad u leedahay nolosheyda mcn. Xabiibi aad baan ku jecelahay.
Ku abuur qalbiyada dadka oo dhan wax wanaagsan oo adiga kugu saabsan, haddii aadan jaceyl ku beeri karin, waxaad ku beertaa ixtiraam iyo xushmad jaceyl.
Dadka oo dhan ixtiraam, maxaa yeelay qofka caqliga leh wuu ku ixtiraami doonaa in ka badan intaad ixtiraamtay.
Ku xafid jaceelkeena qalbiga waayo jaceyl aan qalbi lagu xafidin waa sida beer aan qorax helin oo ubaxyaduna dhinteen.
Qalbigeyga wuxuu ku qaboobaa aragtidaada, indhaheyguna waxay ilinta daadiyaan markaad hab isiiso oo aad ii sheegto in aad i jeceshahay.
Dadka wanaagsan waxaa loo abuuray inaad ku hilmaamto inta xun xumaantooda, sameey wanaag mar walbaa.
Aargoosiga ugu wanaagsan waa inaad horay u socoto, cafiso iska ilowdo, kuna dedaasho inaad guuleysato. Marnaba ha siin qof qanaacada ah inay ku daawadaan adigoo dhibaatoonaya.
Haddii aad faraxsan tahay macnaheedu ma ahan in wax walba ay kuu hagaagsan yihiin, laakiin wanaagga ayaa kuu muuqda.
Qish: maqaalo kale oo ku saabsan xushmad jaceyl: Erayo Jaceyl a-z
Xushmad jaceyl qeybtii labaad: Dhiiri galinta jaceylka
ku kalsoonow lamaanahaaga ileen wuxuu kuusoo wadaa hadiyad aan qiimaheeda aduunka laga helaynin, kaasoo ah qalbiga.
Qofka sida dhabta kuu jecel wuxuu kaa hor istaagaa inaad dambi sameyso. Qofka aan sida rasmiga ah kuu jeclayn wuxuu kugu dhiirigeliyaa xumaan iyo inaad dambi sameyso.
Xushmad la’aan, Jaceylku waa lumaa. Daryeel la’aan, Jaceylku waa caajis. Daacad la’aan, Jaceylku farxad ma leh. Aaminaad la’aan, Jaceylku waa mid aan deganayn.
Dad badan oo aragtida wejiga keliya wax ku jeclaada gadaal bay ka qoomameeyaan sababtoo ah jaceylku marnaba kama dhasho quruxda wejiga balse quruxda qalbiga.
Intaadan qofka jeclaan marka hore fiiri inuu naftiisa jecel yahay, haddii uusan naftiisa jeclayn adigana jaceyl kuma siin karo.
Haddii qof aad is jecleedeen kaa taago, ha murugoon, ha matagin, ha is gubin, cuntada ha ka soomin, heeso badan ha isku maaweelin. Fiiri naftaada in aad nooshahay oo neefsaneyso ka dibna horay u wado noloshaada. U sheeg qalbigaaga in qof kaa tagay ee aysan ruuxdaadi kaa tegin.
Ha u bedelin midabkaaga iyo naftaada si dadku kuu jeclaadaan. Ahaw qofka aad tahay dadka saxda ah ayaa kugu jeclaanaya.
Dadka sida dhabta ah isu jecel si sahlan kuma kala haraan. Haddii ay jirto boqol sababood ay ku kala tagi karaan waxay helaan hal sabab ay ku wada joogi karaan.
Marnaba ha ka quusan wax aad si dhab ah u rabto, way adag tahay in la sugo, laakiin waxaa ka sii daran inaad ka shalayso.
Goortii aad aqbasho qof, waxaad aqbashay wixi ay horay u soo mareen oo dhan. Sidaa darteed, dib ha u soo gocan hana u adeegsan.
Goortii aad qof necbeysato, wax kasta oo ay sameeyaan waxay noqonayaan kuwo kaa xanaajiya. Haddaba ha gelin niyadaada wax naceyb ah.
Goorti aad tiraahdo waan ku jeclahay, waxaad ballan ku sameynaysaa qof kale qalbigiisa. Waa inaad ku muujisaa ficil si aad u caddeyso. Jaceylku ma aha qiiro keliya, Jaceylku waa ficil.
Qofka u dambeeya ee maskaxdaada ku jira marki aad seexan rabto habeenki waa sababta farxadaada ama xanuunkaaga.
Haddii maanta aysan ahayn maalintaada, xasuusnow berri waa maalintaada!
Jaceylka waa luuqada qalbiyada iyo indhaha, waa macalinka nolosha, waa bilaawga kalsoonida iyo caashaqa, waa hoyga farxada iyo dareenka, waa geedka ubadka iyo jiritaanka.
Jaceylka Dhabta Ah Iyo Calaamadaha Lagu Garto
Gabadha Xanaaqa Badan
Gabdhaha kale eyeey wax dheer tahay ee ha mogaan, sidaas waxaa yiri culumada cilmi nafsiga, waxayna raaciyeen erayadaan soo socdo:
Waxay sheegta runta oo been ma taqaan. Waxay kuu sheegtaa waxay dhibsanayso oo waxba kaama qariso, wayna qalbi furan tahay. Waa gabar cafis badan isla markaana aan aqoon calool ku qaaad iyo ganuunac nuuc kale ah. Waa gabar qalbi wanagsan oo naxariis badan. Hadeey kugu xanaaqdo isla markaa waay Is bedeshaa oo way ka farxisaa, mana taqaano calool ku haay. Waa qof naf ahaan u dagan oo aan walwal, shaki iyo walbahaarka aqoon. Waqgtigeeda oo dhan waxay ku qaadatada agteeda oo dadka kalaba lama heshiiso. Dabeecadeeda xanaaqa ku dhisan ma ahan mid qalbi ahaan ay u saameyso nafteeda. Si kasta oo ay u xanaaqsan tahay, markaad u qosasho way dhoola cadeysa xittaa haday 90 taagan tahay xanaaqa. Mararka qaar xiliga dhibataada jirto, waxay cuskataa garabkaaga si ka duwan sida dadka kale. Sidaa darteed ha Iska sii deyn qofkaas oo kale hadaad hesho waa qaaliyee.
Erayo sarbeeb ah
Waxa uu ii soo diray erayo sarbeeb ah, anna waan fahmay waxa uu iga damacsan yahay. Adeegsiga erayo sarbeeb ah gaar ahaan kuwooda xikmada leh waxay qeyb ka qaadanayaan soo jiidashada qalbiga jaceylkaaga. Adeegso erayo sarbeeb ah mar walbaa oo aad rabto in aad dareenkaaga ka hadasho, maxaa yeelay waa erayada ugu quruxda badan ee qalbiga lagu soo jiito. Marka aad adeegsato erayo sarbeeb ah, qofku wuxuu kuu arkayaa in aad tahay qof caqliyan dhameystiran, taasina waa sababaha inta badan la isku xusho. Ma jirto cid jeclaaneyso qof hadalkiisa iyo muuqiisaba laga cararayo, sidaa darteed isticmaal had iyo jeer erayo miisaaman oo qalbiga qofka soo jiidanayo.
Goortii qof uu ku jecel yahay, ma aha had iyo jeer in ay afka ka sheegaan, waxaad mar kasta ka garan kartaa habka ay kuula dhaqmaan.
Marnaba aad ha ugu xidhnaan qof haddii aysan iyaguna sidaa oo kale dareemayn, sababtoo ah jaceyl hal dhinac ah maskax ahaan ayuu ku baabi’in karaa.
Dadka qaarkii ma rabaan inay runta maqlaan sababtoo ah ma doonayaan in dhalanteedkooda la burburiyo.
Jaceylku waxba ma aha hadaan ficil la socon, Aaminaadu waxba ma aha hadaysan caddeyn (daliil) la socon, Raaligelintu waxba ma aha haddii aan isbedel jirin.
Dadku waxay inta badan hilmaamaan inay kuu mahadceliyaan markaad wanaag u sameyso, laakiin marnaba ma hilmaamaan inay ku eedeeyaan haddii aad hal qalad ku sameyso.
Jaceylku ma ahan dareen keliya ee jaceylku waa daryeel.
Kalsoonidu kama timaado inaad mar walba saxnaato balse waxay ka timaadaa inaadan ka baqin inaad wax qalado.
80% dadku way iska aamusaan xittaa kolki ay rabaan inay wax yiraahdaan si ay uga fogaadaan muran qof ay daneynayaan.
Dhambaalada jaceyl kala mudnaan badan, ragna kala cizi badan, Dumarna kala garasho badan.
Waxaa jiro ruux aduunka kuu jecel Ee adiga uun ha raadsan ruux ku nici doono.
Erayo Macaan Oo Shukaansi Ah + Sawiro
Sheeko jaceyl xiiso leh
Markaan waxaan soo gaarnay qeybtii ugu dambeysay ee qormadeena “Sheeko jaceyl xiiso leh” qeybtani waxaan kaga hadleynaa sheeko jaceyl xiiso leh oo runtii ah mid dhab ah, waxa ayna noqon doontaa mid joogto ah.
Sheeko jaceyl: waxa ay ku bilaabaneysaa sidaan: Waxay ahayd maalin cajiib ah, roobkun uu curtey, 2018 kii, Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan. Gaari yar oo Mazda ah ayaan cod ka hadlayo maqlay, waan jalleecay, wuxuu yiri: walaal ma kula hadli karaa? Maxaa jira ayaan su’aalay, waa inta u dhaxaysa taalada Axmed gurey iyo taalada Dhagaxtuur oo markaas dhiiqo yar ka jirtey, wuxuu cod naxaris ah ka muuqato igu yiri walaal dhiiqada aan ku dhaafiyee soo gal, waa isaga kaligii, maya ayaan idhi dumar iyo caadadii, waloow aan u baahnaa inaan galo isagana uu u muuqday wiil akhyaar ah! Intaas waxaa sii dheeraa su’aal ah “ walaal numberkaaga qayb baan hayaa, ee inta kale ii raaci! Anigoo ka yaaban shaxaarinimadiisa ayaan qoslay oo aan ku idhi qaybteed haysaa walaal? Ilko cad inta uu walac ka siiyey ayuu si dhibyar u yidhi 061 ayaan hayaa ee inta kale iigu dar!
Kama nuuxsan karin, mana arkayn noole markaas wax loo diidi karo, iima muuqan nin aan maya ku oran karo, anoo xishoonaya oo is leh adoo nin wadada la taagan yayna walaaladaa ku arkin ayaan u dadajiyay!
Gaariga oo dhaqaaqay ayuu dib ii soo jalleecay, jalleeco aad moodid waran jacayl, jalleeco aad moodid kabuubiso ayuu hal mar igu ganay, markaasa inta gacanta ruxay sidii aabo ilmihiisa safar uga tagay, yiri maalin wanaagsan walaashey, anigoon aqoon waxa iga farxiyey ayaan anna u ruxay midigteyda, anoo leh maalin wanaagsan walaal!
Fiidkii anoo ka faraxashay casho macaanayd oo ay habeenkaas walaashey iga yar noo sameysay ayuu isoo wacay, waa number isu wada eg, oo 77 u dambayso, qosol baan ku dhuftay markaan maqlay codkiisa, hasa yeeshee isagu inuu daremo waan diidanaa, si caadi ah ayuu ii xaal waraystay, malaha bilaawga shukaansiga waa iska saas uune, wuxuu aad iiga waraystay aabo iyo hooyo iyo walaaladey, nafteyda wax badan igama waydiin habeenkaas, xogta uu i waydiiyay anoo saluugsan ayuu habeenkaas taleefanka dhigey, laakin hadalka uu igu macasalameyey ayaa sababay in maskaxdeydu u kireysnaato isaga habeenkaas, wuxuu yiri ducada hooyaday in la ii aqbalay ayay ila tahay ee habeen wanaagsan wuuna dhigey taleefanka.
Raaxada Raga Ay Jecelyihiin A-Z
Anigu isla goortaasi waa la igu saaqay, qalbigeyga waxaa buux dhaafiyay rabitaan waali ah. Habeenkaas wuxuu ii ahaa habeen farxada badan, habeenka kaliya ee aan nafisay, hurdaduna ay ahayd sida in aanan isbuuc hurdin. Maalintii xigtay anoo isaga ka fikirayo, doonayana in aan la wadaago dareenkeyga, una sheego inaan ku faraxsanahay la kulankiisa iyo hadaladiisa soo jiidashada leh ayaa waxaan maqlay dhawaqa teleefonkeyga, anoo is leh ma lacagtii ayaa kaa dhamaatay, Hormuud waa uun Horumuudee ayaan teleefoonkii furay, mise waa sms uu ii soo diray.
Maalin wanaagsan xidigteyda cusub, waxaan rajeynayaa in aad tahay shax shax, maalintaaduna ay u dhalaaleyso oo ay u qurux badan tahay sida dhoola cadeyntaada farxada leh: D
Kadibna akhrinta erayaaasi waan dhoola cadeeyay, anoo la yaaban sida lama filaanka ah ee ay wax u dhacayaan ayaan qalbiga ka iri: Adigaaa, adigu waxaa tahay qofka aan muddo badan baadi goobayay, dadku waa ay la yaabanaayeen dooqeygu, qof walbaana wuxuu igu oran jiray, dooqaada aduunkaan lagama helo, adiguse taasi waad beenisay.
Dhamaad
Sheeko jaceyl? Ma xiiseyneysa sheekooyin kale oo xiiso leh qaasatan sheeko jaceyl ah, ku soo biir akhristayaasheena si aad uga faaiideysato qormooyinka xiisaha leh.